Ahlu Sunna oo shaacisay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug

0
Tuesday January 28, 2020 - 22:46:41 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo shaacisay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug

    Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ku soo bandhigtay liis ay ku qoran yihiin sagaal iyo lixdan xubnood, oo ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug. Xubnahan cusub ayaa ku biiraya labaatankii Xildhibaan ee hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ku soo bandhigtay liis ay ku qoran yihiin sagaal iyo lixdan xubnood, oo ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug. Xubnahan cusub ayaa ku biiraya labaatankii Xildhibaan ee horey Ahlu Sunna looga siiyay Baarlamaanka ay Dowladda Federaalka ku dhistay Magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka dhigan tahay inay hadda Ahlu Sunna buuxisay tiradii saxda ahayd, ee Baarlamaanka Galmudug loogu talagalay ee 89-ka Xildhibaan. Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maalin ka hor sheegay inaanay jirin wax ka hortaagan inay soo dhisaan maamul ay ku mideysan yihiin dadka degan Gobolada Dhexe. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa is barbar socda laba maamul, oo ay garwadeen ka kala yihiin Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu Magaalada Gaalkacyo ka wadaa doorasho uu sheegay in lagu soo dhisi doono maamul cusub oo dadka reer Galmudug ay u dhan yihiin. Galmudug ayaa waxay cagta saartay waddo ay saddex Maamul Goboleed ku yeelan karto, ka dib markii la isku khilaafay maamulkii loo wakiishay Dowladda Federaalka inay u yegleesho dadka reer Galmudug. Saamileyda siyaasadda Galmudug ayaa si xoogan uga horyimid doorashada ay dhabarka ka riixeyso Dowladda Federaalka, ee lagu soo dhisayo maamulka cusub, haddii ay ku dhaliileen inaanay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha doorashada. Siyaasiyiinta Galmudug ayaa waxay Villa Somalia ku eedeeyen inay hareermartay dhabihii saxda ahaa, ee doorashada ku noqon kartay mid daahfuran.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip