Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Xabsiga Ka Baxsaday,Yaa ka dambeeyay arrinkaasi.

0
Tuesday January 28, 2020 - 22:33:02 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Xabsiga Ka Baxsaday,Yaa ka dambeeyay arrinkaasi.

    Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa goor dhow shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in hey'a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa goor dhow shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in hey'addaha amniga ay ku raad-joogaan C/rashiid Janan oo ka baxsaday halkii uu ku xirnaa. Lama oga halka uu ku xirnaa C/rashiid Janan, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in horay loogu xiray oo muddo todobaadyo lagu hayay labo xarumood oo kala ahaa Xarunta dambi baarista ee CID iyo Xarunta NISA. Waxaa ay ugu baaqday shacabka inay soo sheegaan haddii ay arkaan, iyadoo xustay inuu yahay dambiile loo heysto dambiyo kala duwan. Dhamaadkii Bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ka xireen garoonka diyaaradaha C/rashiid Janan oo ka yimid magaalada Kismaayo, iyadoo la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip