Musharax si cad u sheegay in uusan ka qeyb galeyn doorashada Galmudug

0
Tuesday January 28, 2020 - 10:40:03 in Wararka by
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax si cad u sheegay in uusan ka qeyb galeyn doorashada Galmudug

    Musharax Cabdi Dheere oo kamid musharixiinta isku baheystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb ayaa cadeeyay in uusan diyaar u aheyn ka qayb galka doorashada dhaceysa 30-ka Bishaan. Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Cabdi Dheere oo kamid musharixiinta isku baheystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb ayaa cadeeyay in uusan diyaar u aheyn ka qayb galka doorashada dhaceysa 30-ka Bishaan. Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in lagu guuleysan waayay in la dhiso maamul loo dhan yahay,isla markaana musharixiinta qaar dacaayad laga fidinayo.

”Waxaan aad uga xumahay in markii lagu guuldareystay in la qabto doorasho loo dhan yahay iyo wax la wada leeyahay in tabar laga dhigtay dacaayad been ah oo bulshada lagu marin habaabiyo si loo helo kalsooni been ah ayuu yiri” Cabdi Dheere.

Waxaa uu si cad u sheegay in marnaba uusan isa diiwaangelineyn kana qeyb galeyn doorasho aan loo dhameyn oo aysan wada ogolayn dhammaan saamileyda siyaasadeed ee danaynaysa doorashada Galmudug.

Afar Musharax oo uu kamid yahay Cabdi Dheere ayaa horey u diidey ka qeyb halka doorashada Madaxweynaha Galmudug,hayeeshee waxaa is isdiiwaan gelisey Afarax Musharax oo la sheegay inay ka socdaan dhinaca Dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip