Turkiga Oo Ka Digay Dhul-Gariir Xoogan Oo Ka Dhaca Istanbuul

0
Monday January 27, 2020 - 22:40:39 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Ka Digay Dhul-Gariir Xoogan Oo Ka Dhaca Istanbuul

    Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoowday Dhul-gariir xoogan oo ay suurto gal tahay inuu ka dhaco Magaalada Istanbuul oo ah Magaalada ugu weyn dhinaca dhaqaalaha ee dalkaas. Suleymaan Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee T

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoowday Dhul-gariir xoogan oo ay suurto gal tahay inuu ka dhaco Magaalada Istanbuul oo ah Magaalada ugu weyn dhinaca dhaqaalaha ee dalkaas. Suleymaan Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo la hadlay Telefishinka CNN Turki ayaa waxaa uu sheegay inay Dowladiisa si weyn ugu diyaar noqdeen dhul-gariirka laga qabsi qabo inuu ka dhacdo dalkaas, wuxuuna tilmaamay in halbeegiisu yahay 7.5 Rektar. Dhul-gariirkii laba maalin kahor ka dhacay Waqooyiga dalka Turkiga waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 38 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,600 oo Ruux."Waxaan rajeynaynaa inuu dhul gariir halbeegiisu yahay 7.5 Rektar Iskeel ka dhaco Istanbul, waxaan si aan caadi ahayn uga shaqeynayanaa suurto-galnimadda dhul-gariirkaasi" ayuu yiri Suleymaan Soylu. Dalka Turkiga waxaa Taariikh ahaan ka dhan dhul-gariiryo xooggan, iyadoo in ka badan 17,000 oo qof ku geeriyoodeen dhul-gariir bishii August ee sanadkii 1999-kii ka dhacay Magaalada Izmit ee K/bari ee Magaalada Istanbul


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip