RW Kuxigeenka dalka oo ka qeyb-galay Shir ka furmay jabuuti

0
Monday January 27, 2020 - 22:34:49 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kuxigeenka dalka oo ka qeyb-galay Shir ka furmay jabuuti

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khdar oo uu wehlinayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khdar oo uu wehlinayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo Maanta ka furmay dalka jabuuti. Shirkaas ayaa waxaa goobjoog ka ah Madax badan oo ka socota wadamada Afrika,waxaana Ra'iisul Wasaare kuxigeenka dalka uu Shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaalada Waxbarashada Soomaaliya iyo sida Xukuumadda Soomaaliya waqti badan u gelineyso in horumar laga sameeyo. Shirweynaha Waxbarashada Afrika ee ka furmay Jabuuti ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Heerka Waxbarasho ee dalalka afrika sidii lagu horumarin lahaa,iyada oo madaxda wadamada Afrika ay isla gorfeyn doonaan. Sidoo kale Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya oo kala ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) & Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Shirkaasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.



   



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip