Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo dhisaya iskaashi cusub

0
Monday January 27, 2020 - 22:32:28 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo dhisaya iskaashi cusub

    Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aas'aaso Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aas'aaso Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika. Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada. Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi'iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip