Seyniyahanno sheegay in xiddigga ugu iftiinka badan cirka uu qarxi rabo.

0
Monday January 27, 2020 - 22:25:06 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seyniyahanno sheegay in xiddigga ugu iftiinka badan cirka uu qarxi rabo.

    Cirbixiyeennada adduunka, oo isugu jira seynisyahanno iyo khubaro ayaa indhaha ku haya cirka, iyagoo rajo ka qaba "fursad lama helaan ah oo nolosha hal mar lagu arki karo". Waxay ka shaki qabaan in xiddigga lagu magacaabo "Betelgeus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cirbixiyeennada adduunka, oo isugu jira seynisyahanno iyo khubaro ayaa indhaha ku haya cirka, iyagoo rajo ka qaba "fursad lama helaan ah oo nolosha hal mar lagu arki karo". Waxay ka shaki qabaan in xiddigga lagu magacaabo "Betelgeuse", oo ah kan ugu iftiinka badan xiddigaha cirka ee dhulka laga arko, uu qarxi doono wakhti aad uga dhow xilligii la filayay. Inkastoo cirbixiyeennadu ay horayba uga sii war-qabeen in xiddiggan uu ugu dambeyn "qarxi doono", haddana warar dheeraad ah oo dhawaan soo baxay ayaa indhaha lagu kala qaaday. Maxay cirbixiyeennadu ugu maleynayaan in xiddiggan uu qarxayo? Betelgeuse oo Soomaalida ay u yaqaannaan "Bakaal" ayaa ahaa "xiddig lagu waday inuu baaba'o", waxa laga hadlayayna uu ahaa wakhtiga uu qarxi doono oo kaliya balse aan la isku heynin inay sidaas dhaceyso iyo inkale. Xiddigan ayey khubaradu sheegeen in da'diisu ay tahay siddeed ilaa toban malyan oo sano kaliya, marka loo eego qorraxda oo ay seynisyahannada sheegaan inay jirto 4.5 bilyan oo sano. Waa xiddig guduudan oo aad u weyn, noloshiisuna ay gabaabsi tahay, muddooyinkii ugu dambeeyayna sii ballaaranayay, sida ay seynisyahannada sheegeen


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip