Daahir Geelle "Awood waxaa u aqaan mida dastuurka waafaqsan, awood uma aqaan mida qoriga ka timaada"

0
Monday January 27, 2020 - 11:41:51 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Geelle "Awood waxaa u aqaan mida dastuurka waafaqsan, awood uma aqaan mida qoriga ka timaada"

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ka hadlay sababihii uu xilkaas isaga casilay iyo waxa uu salka ku hayay kala aragti duwanaantii u dhaxeysay isaga iyo dowladdii uu ka tirsanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ka hadlay sababihii uu xilkaas isaga casilay iyo waxa uu salka ku hayay kala aragti duwanaantii u dhaxeysay isaga iyo dowladdii uu ka tirsanaa.


Daahir Geelle ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka DALSAN TV waxaa uu kaga hadlay waxa ay isku qabteen Madaxdiisa, isagoo meesha ka saaray in wararka sheegaya in is casilaadiisa ay ka dambeysay inuu ka madax adeegay amarada Madaxdiisa.

"Ugu horeyn aniga waxaan aaminsanahay kala dambeyn la’aanta qofka hoose ka imaaneysa inay tahay arrin reer baadiyenimo oo ilbaxnimada ka soo horjeeda, xafiis marka la joogo labo mid ayay tahay in la isla shaqeyn karo oo qofka hoose la shaqeyn karo qofka ka sareysa, haddii uu la shaqeyn waayana inuu meesha banneeyo, laakiin inuu meesha joogoo oo amar diido waa dhaqan reer baadiyenimo ah, weli ma dhicin madaxda iga sareysa inay amar diido na dhex marto, laakiin waa kala aragti duwanaan karnaa”ayuu yiri Sheekh Daahir Geelle.

Waxaa uu sheegay in Madaxdiisa ay wada shaqeyn jireen, oo ay is maqli jireen, aragtida la is dhaafsan jiray, balse aanan waligiis wax gadood ka dhicin, illaa ugu dambeyn oo dowladda shaqadiisa la dhacsan uu shaqada isaga tagay.

Mar la weydiiyay waxa ay isaga iyo dowladdiisa ku kala aragti duwanaadeen ayuu xusay in markii uu xilka ka tagayay uu afar qodob u sheegay shacabka, kuwaasoo kala ah habka dowladda Federaalka ula macaamishay, habka siyaasiyiinta deegaanka ee kuwa Muqdisho loola dhaqmay, habka saxaafada loola macaamilay iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo hal-bowle u ah dowladda.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay isku qabteen guud ahaan hannaanka dalka lagu maamulayay.

"Dowladeyda waxay jecleyd siyaasadda adkaaday iyo laga adkaaday, awood meel jirta iyo meel aan awoodda aalin in loo kala saarin, awood dowladeed waxaa u aqaan mida dastuurka waafaqsan awoodda qoriga ka timaada ma aqaan, hannaanka dowladda loo wado oo la isugu heynayo, la isugu maslaxaayo fikrada ay ka qabtay iyo aniga waxaa inoo dhaxeeyay 180 digree”ayuu yiri Sheekh Daahir Geelle.

Halkan hoose ka daawo wareysiga:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip