Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxaya

0
Monday January 27, 2020 - 11:38:04 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxaya

    Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Siicow (Shabeel), kaasoo u geeriyooday dhowr xabadood oo ay ku dhifteen rag bastoolad ku hubeysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Siicow (Shabeel), kaasoo u geeriyooday dhowr xabadood oo ay ku dhifteen rag bastoolad ku hubeysan.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana goobta ay ka baxsadeen kooxdii dilka geysatay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raga hubeysan ee dilka geystay ay wateen gaari ay ku hor-jareen gaari uu watay Nabadoonka, xilli uu ka yimid masaajid uu salaadii cisha ku soo dukaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa howlgallo ay ka sameeyeen waaxda Barwaaqo, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigeen raggii dilka geystay.

Dilkan ka dhacay degmada Dayniile ayaa ku soo aadaya, xilli bilihii la soo dhaafay xaalada amniga ee degmadaas ay soo hagaageysay, iyadoo ay ka mid aheyd degmooyinka Ciidamada amniga xilliyada habeenkii si joogta ah howlgalada uga fuliyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip