HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA JANNAAYO 2020-KA

0
Monday January 27, 2020 - 11:08:18 in Wararka by
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA JANNAAYO 2020-KA

    RW KHEYRE OO CIIDAMO FARABADAN SAGOOTIYEY AMARNA SIIYEY Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda fede raalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Kha yre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoo gga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaad ashaya howlgallada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RW KHEYRE OO CIIDAMO FARABADAN SAGOOTIYEY AMARNA SIIYEY Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda fede raalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Kha yre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoo gga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaad ashaya howlgallada aka dhanka ah AlShabaab. Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra'iisul Wasaaruhu u ga mahadceliyay nafhurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuu na kula ballamay in ay AlShabaab ka saaaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku su gan furimaha dagaalka ,isla markana dag aalka xoogan kula jira Xubno ka tirsan Ururka


qeyreaskar

dagaalamayaasha AlShabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya dagaalka AlShabaab, ayaa sidoo kale sa raakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dard aarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xu quuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusa ale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl galo ay Ciidamada Dowladda ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo la wareegay deegaao dhowr ah.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO GAARAY PURKINA FASO

FB_IMG_1580061294295 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Purkina Faso waxaa Ga roonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagad ougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Da lka Purkina faso kusoo dhoweeyay mas’u uliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu u gu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkaasi ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Ba ka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qey bta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhu gu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacab ka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal She ekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Purkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joo gaan kaga geli doonaan kalfadhiga 15aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shir kan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dal kan Purkina Faso Alassane Baka Sakan dé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweey ay Dalka Purkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

JUBBALAND OO XUKUN DIL AH KU FULISEY ASKARI KA TIRSANAA CIIDANKA DOWLADDA

Jubbaland Maxkamadda Ciidamada dowlad gobo leedka Jubbaland ayaa Shalay waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda,kaas oo la sheegay in uu horey u diley askari kale.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Bakar Xassan,waxaana uu horey u diley askari ka tirsan Ciidanka jubbaland oo lagu Magacaabi jirey Siy aad Maxamed Xas san.

Xeer ilaaliyaha Ciid anka jubbaland G/le Dhexe Maxamed Axmed Yaasin ayaa she egay in askariga manta la toogtey uu 27kii Bishii November ee sanadkii tegay ee 2019 xilli habeen uu askariga ku diley Bartamaha magaalada kismaayo.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku darey in Xukunkaan dilka toogashada ah ee la Fuliyey uu soo marey baaritaan dheer ka dib iyo fadhiyo kala duwan oo marqaatiyo watay oo ay maxkamada samaysay ,isla markaana Shalay xukunka dilka ah la fuli yey.

GUDDOOMIYE QAASIM” WAAN KA HORTAGE YNAA WEERARADA ALSHABAAB”

Furdug Guddoomiyaha Degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe Qaasim Cali Nuur Furdug ay aa sheegay in Amniga Guud ee degmada uu yahay mid la isku haleyn karo,isla mar kaana qeybaha kala duwan ee Bulshada si caadi ah u wataan howlahooda.

Isaga oo ka hadlayey weerarada AlShabaab ayuu sheegay Guddoomiye Qaa sim in dhowr mar ay doonayeen inay de gmada la wareegaan AlShabaab, hayee shee Ciidamada Dowladda iyo kuwa HirShabeelle ay ka hort ageen.

Ugu damb eyn Gu ddoo miyaha Degm ada Balcad ee Gobolka Sh/ Dhexe Qaas im Cali Nuur Furdug waxaa uu shee gay in tuulooyin hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka AlShabaab gaar ahaan waddada xiriirisa Afgooye iyo Balcad.

GOLAHA ARRIMAHA ISLAAMKA ITOOBIYA OO SHARCI OGOLAANSHO LA SIIYEY

ITOOBIYA-640x360-1 Golaha sare ee Arimaha Islaamka da lka Itoobiya ayaa 60sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Itoobiya ka helay aq oonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyat ay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalkatoobiya.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha toobiya Ab iy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasii radu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi.

Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada toobiya ayaa ka jawaabay dal abkii ay bulshada muslimiinta toobiya u soo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in muslimiintu ay baahi u qabaan inay ye eshaan Gole si sharci ah dawladdu u aqo onsan tahay si loogu sameeyo machad di imeed soo abaabula arrrimaha islaamka isla markaana fuliya shuruucda bulshooyin ka islaamka ah ee toobiya, isla markaana dammaanad qaadaya xuqu uq dooda bul sho ahaaneed iyo inay xiriir toos ah la ye eshaan hay’adaha diimeed iyo bulsho oyinka kale ee dalka toobiya.

HEY’ADDA SOCDAALKA OO MUDDO 7BAAD HAKAD GELISAY HOWLIHII BAASABOORKA

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Soomaaliya ayaa muddo todo baad ah hakad gelisay howlihii qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga.

baasaboorka-696x392War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in howlo farsamo iyo horu marin oo ka socda hab ka baasaboorka awgood hakad la geliyay howshii baasaboorada, laga bil aabo 27ka bishan illaa 2da bisha Febr aayo.

"Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgo od, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelina yaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabasha da codsiyada baasaboorka”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma ahan markii u horeysay ee Hey’ad da soo saarto wargelin la xiriira howlaha baasaboorka, waxaana sidan oo kale san ado ka hore Hey’adda soo saartay in mud do kooban la hakiyay howsha bixinta baas aboorka howlo farsamo awgeed, iyadoo markii dambe dib loo bilaabay.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda So omaaliya ayaa muddooyinkii u dambeey ay horumarin ku waday howlaha baasab ooryada iyo adeegyada kala duwan ee shacabka loo haayo, waxaana la fudude eyay helista baasaboorada oo markii hore Muqdisho loo imaan jiray, balse Gobolada dalka, gaar ahaan caasimadaha dowlad goboleedyada laga furay Xafiisyo lagu qa bto codsiyada baasaboorka.

NISA OO AMMAR ADAG KU SOO ROGTAY SHACABKA KU NOOL M/GURICEEL.

NISA-1-1 Taliska Hay’adda Nabadsugida degma da Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dad ka siyaabaha kala du wan u iibsanaya gaa diidka noocyadi isa kala duwan.

Amarkaan oo uu soo saarey taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ay aa lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gaadiidka ay kusoo wargeliyaan laamaha Amniga gaar ahaan NISA si loo ga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado.

Sidoo kale, Amarkaan ayaa saameyn aya qofka Gaadiidka iibsanaya iyo kan la ga iibinaya intaba, waxaana la sheegay in cidii amarkaan u hoggaansami weysa talla abo Sharci ah laga qaadi doono. "Dham aan gaadiidka la kala iibsanayo guddaha guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogey siiyaan laamaha Amniga gaar ahaan Tal iska Nabadsugida si looga hor tago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaa diidka loo ad eegsado , iibsadaha iyo qofka laga iibin ayo waa in ay warqada kala war eejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guri ceel ayaa lagu yiri”Warka Taliska ISA ee Guriceel.

Si kastaba degmada Guriceel ee Gob olka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid ta hay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud,waxaana muddo bad an gacanta ku haayey Ciidamada Ahlusun na balse lagu wareejiyey kuwa dowladda Soomaaliya.

SOMALILAND OO SHAACISAY ‘AARGOOSI’ KA DHAN AH CABDIRAXMAAN GUULWADE

gulwade Xukuumada Somaliland ee uu hogaami yo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay shaacisay talaabada ay ka qaadi doonto Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xu seen (Guulwade) oo dhowaan inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland. Somaliland ay aa si cad u sheegtay inay ka aargoosaneyso Cabdira xmaan Guulwade, isla mar kaana ay la tiigsaneyso sha rciga, iyadoona ka dacweyn doonta dalka uu ka sito dhalashada labaad, sida ay she egtay Yurub Abiib Cabdi.

Wasiir kuxigeenka wasaarada xanaan ada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cab di ayaa Shalay si adag uga hadashay had alkaasi dhowaan ka soo yeedhay Guulwa de, iyadoona xustay in Somaliland ay dac weyn doonto oo maxkamad la tiigsan do onto. Wasiirada ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland ee ku nool qurbaha ka dal batay inay gudbiyaan dacwad ka dhan ah Danjire Guulwade, oo ay ku sifeysay sha qsi isku cadeeyay gabood falkii uu ka gey stay Somaliland.

"Xukuumad ahaan waanu dabagaley naa Guulwade, meel uu ku badbaadaya na majirto oo isaga ayaa isku cadeeyay in uu dadkii laayay, una sabab ahaa xasuuq aasi, waana Ninkii Soomaali ugu caqliga xumaana” ayey tiri Wasiirad Yurub.

Waxayna intaas kusii dartay "Caalam ka sharci baa ka jira, Xukuumaduhuna sid ay qof uga aargoosanayaanba, weliba Guulwade markhaati loo dooni maayo oo hadalkiisi baa ku filan, oo inuu xasu uqii sax ahaa oo dadkii ay leynayeen, Maxkamadaha caalamka ayaana Guul wade lala tiigsan doona”.

Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ka dhawaajisay in Cabdiraxmaan Guulw ade loo dacweeyo, sidii ay hore Dad re er Somaliland ah u dacweeyen Korneyl Yuusuf Tuke, oo ku eedaysnaa xasuuq iyo tacadiyo uu ka geystay Somaliland, isla markaana ay Maxkamad ku taala Marey kan ka ay ku riday xukun.

Danjire Cabdiraxmaan Guulwade oo hore uga tirsanaa guddi uu Farmaajo u ma gacaabay Wadahadalada DFS iyo Somal iland, ayaa dhowaan warbaahinta ka she egay hadalkaasi oo si weyn uga xumaad een bulshada reer Somaliland, isla mark aana abuuray xiisad hor leh.

Xigasho:Caasimadda.Net

R/WASAARAHA ITOOBIYA OO SHAACI YAY KUL AN UU QEYB KA YAHAY FARMAAJO OO KA DHICI DOONA ASMARA

Abiy-696x392 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ah med ayaa shaaciyay in dhawaan ay kulan yeelan doonaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kulan kaasi oo ka dhici doona Magaalada Asmara.

Waxaa uu sheegay in kulankaasi ka dhici doo na magaalada Asmara lo oga wada hadli doonaan arrimo badan.

3 waddan ayaa yeelanayay kulamo kala duwan Sanadyadii ugu dambeeyay tan iyo markii Itoobiya iyo Eritrea uu heshiis dhexmaray.

"Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed C / llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaal adeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah ee Asmara ay joogitaankeena farxad ka yeeli doonto.”ayuu yiri Abiy Axmed.

Horaantii bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo booqday caasimada Eritrea ee Casmara iyadoo hore uu illaa afar jeer u booqday dalka Eritrea.

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO MAGACA ABAY TALIYEYAAL CUSUB

Taliye-xijaar Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliye ed Cabdi Xasan Xijaar ayaa taliyeyaal cusub u Magacaabay Saldhigyadda Booliska Magaaloyin ka Guriceel, Matab aan iyo Ga alkacyo.

iiiiiiii (1)

WASIIR BEYLE OO KULAN LA QAATAY WAKII LKA NORWAY EE SOOMAALIYA

beyle oo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda So omaaliya Dr. Cabdira xmaan Ducaale Bay le ay aa xafiiskiisa ku qaabilay wak iilka Do wladda Norway ee Soomaaliya Vebjorn Heines, waxayna ka wada ha dleen horumarka dhinaca dhaqaa laha ee Soomaaliya iyo dib u hab eynta hey ’adaha Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Norway Taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya si looga ca fiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in ay cadah ay horumarka Soomaaliya ay ka sameyn ayso dib u habeynta hey’adaheeda Dhaqaal aha si loga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Shir aan caadi aheyn oo ay Dorraad ku ye esheen Muqdisho Golaha wasiirada ee XFS ayay ku meel mariyeen heshiiska kaalmo dhaqaale oo dowladda Norway Soomaaliya uga taag eeraysa Barnaamijka deyn cafinta

MADAXWEYNE XI JINPING OO DIGNIIN KA

SOO SAARAY CUDURKA KA DILAACAY SHIINAHA

Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiina ha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

crrynovarus Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakii sha dowladda xilli dal kaasi looga daba ald ag ayo sanad ka cus ub ee Shi inaha ee Lu nar.

Dalka waxa uu wajahayaa "Xaal ad qalafsan” wax aa uu Mr Xi sida asi u sheegay sar aa kiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuh an. Seynisyahano ayaa sheegaya in dowlad da Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heer ka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joo jiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imaanaysa xilli ay do wladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareen nada ee magaalada Wuhan oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – wax aana sidoo kale la hakiyay gaadiidkii dadw eynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

SHIL SABABEY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHACAY KENYA

Shilkaan gaari ayaa waxaa uu ka dha cay wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Caa simadda kenya ee Nayrobi iyo Magaalada Mombasa,waxaana shilkaasi uu geystay kha saaro dhima sho iyo dhawaca

shilka-1 Shilka ayaa yimid,kadib mar kii ay isku dhace en laba gaari oo nooca Xamuulka qaado ah,xili ay marayeen goobta loo yaqaano Kiongwani,waxaana ka kacay dab sababey dhimashada hal Ruux iyo dhaawac 5 kale.

Qof goobjooge ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay in labada gaari ay so xowli ah ku socdeen,isla markaana isu dhacooda uu sa bab u ahaa wadada qeybo kamid ah oo burb ursan.

Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tegay Goobta uu shilka ka dhacay,iyaga oo dhaawaca 5 Ruux geeyey isbitaalka weyn ee ismaamulka Machakos.

MAAMUL CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA AWDHEEGLE

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guda ha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dow lad G/K/G.Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maamul u cusub u magacaabey degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Guddoomi yaha degmada Awdheegle loogu magacaa bay inuu nqodo Cabdullaahi Cismaan Abuuk ar, halka Gaabow Bulle Xasan laga dhigay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaa sadda.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Awdheegle ayaa loo magacaabay Saalax Cabdi Asoow, iyad oona Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bul shada ee degmadaas laga dhigay Maxamed Siyaad Axmed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Gal beed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Abukar Maxamed Cali u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha dowlada hoose ee Awdheegle.

ALSHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAAN KALE OO KU YAALLA GOBOLKA HIIRAAN

shabaabbb Wararka aan ka heleyno deegaanka Ce elCadde ee ka tirsan G/Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Shalayy ay la war eegeen dag aaly ahano hubeys an oo ka tirs an Alshabaab.

Lawareegida Alshabaab ee deeg aanka CeelCadde ayaa timid kadib markii ay weer ar ku qaadeen hal kaas oo markii ho re ay ku sugnaaye en Ciidamo de egaanka ah oo iskood isku abaabulay, waxa ana deeg aanka ka dha cay dagaal kooban oo muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa kusoo warama ya inay arkayeen rag ka tirsan Alshabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka uu gud aha u soo galaya CeelCadde oo qiyaas aha an 55KM u jira Magaalada Baladweyne , isla markaana haatan halkaas ay ku sugan yihiin.

Dorraad ayay aheyd markii Alshabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Magaalada Bal adweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxa ana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidankii dowladda ee ku sugnaa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo maamu lka G/Hiiraan oo ay uga hadlayaan la waree gida Alshabaab ee deegaanka CeelCadde ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

MAGACYADA ALSHABAAB OO 3 RUUX KU TOOGTAY JUBBADA HOOSE

Alshabaab ayaa gelinkii dambe ee shal ay waxaa ay Goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose ay ku toogteen Saddex ruux oo ay ku ee dee yeen inay ka tirsanaayeen Ciidanka dowlad da iyo kuwa Kenya.

ssa Alshabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keenay Degmada Kamsuuma, kuwa asi oo daawanayay sida uu xukunka dilka to ogashada ahaa u dhacayay, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa xubno ka tirsan Alshabaab.

3da ruux ee la toogtay oo ahaa rag ay aa waxaa laga soo kala qabtay deegaano ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Shab eellaha Hoose, waxaana saddexdaas ay kala ahaayeen.

1Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sana jir ah wuxuu kamid ahaa Ciidamada Bangaraaf ta ee Mareykanku ku tababaray Balidoogle, waxaana laga soo qabtay wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.

2Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo 20 sana jir ah wuxuu katirsanaa Ciidamada ma amulka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraa wiishta ee ka howlgala Baar Sangu uni, wax aana lagu qabtay Jubbada Hoose.

3Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah wuxuu la shaqeynayay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubba da Hoose isagoona tababar ku qaaday xera da Kamaga ee gudaha Kenya.

Alshabapab ayaa sidaan oo kale dhowr jeer xukuno dil toogasho ah ugu fulisay dad kala duwan oo ay u jeediyeen eedeeymo, iy agoona dhawaan Afar ruux ku toogtay deeg aanka Sablaale ee Gobolka Sh/ Hoose.

IIRAAN OO DISHAY GANACSADE CAAN KU AH AA KA GANACSIGA MAANDOORIYAHA

qamri Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysta kaas oo lagu naanayso "Yaxaaska Gacanka Beer shiya”, sidoo kalana ay halkaas ku baabi’ isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warba ahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.

"Yaxaaska” ayaa wa xaa la qabtay isagoo kug uda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maan dooriye ah oo uu mar sii nayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sid aas she egay.

36jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay ka dib sanado badan oo ay socdeen howl gal sir doon. Iiraan ayaa sanadwalba waxa ay khaari jisaa boqollaal maxbuus.

PUNTLAND OO U JAWABTEY WASIIR GODAX BARE

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DFS aya Wareysi uu bixiyey Maalin ka hor waxaa uu ku sheegay in Ardayda Puntland aan wax Shahaado ah la siin doonin ilaa iyo ay ka qe ybgalaan Imtixaanka ay qaadeyso Wasaa radiisa.

Hayeeshee waxaa hadalkaas Shalay oo Axad ah jawaab ka bixisay Wasaaradda Wax barashada Maamulka Puntland oo she egtay in intii at Puntland jirtey ay Imtixaanke eda iya da qaadeysay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Pu nta land Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa shee gay Wasaaradda Waxbarashada Soo maaliya iyo tan Puntland ay heshiis ku yihiin geedi soc odka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee Wax barashada,iyada oo sa ldhig uu u ya hay Das tuurka KM ah ee Soo maaliya iyo kan Punt land.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa int aasi ku darey in labada Wasaaradod ay dhowr mar ku heshiiyeen in Puntland ay si madax bannaan u qaadeyso imtixaanka Ard ayda deegaannada Maamulkaas,,dejinta iyo sixida Imtixaanka,isla markaana deeqaha waxbara sho lagu bixiyo heerka kaal sareyn ta,waxaana uu soo bandhigey Heshiisyo dhowr ah oo kale ah.1: In Puntland u madax banna an tahay qaadista imtixa anka Ardeyda deegaanna da Puntland.

2: In wasaaradda Wax barashada federa alka ay imtixaanka ku leed ahay talo,kormeer iyo taageero dhaqaale.

3: In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Fede raalka Soomaaliya u gudbiso Imtixa ankii ay qaadey.

4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lah aa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya.

5:In la isku waafaqo bixinta Shahaadada si ard ayda Soomaaliyeed ay u helaan cade ynta aqo ontooda taas oo ay xaq u leeyihiin.

5: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntl and laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka was aar adda Waxbarashada Puntland iyo qodo bo kale.

MAREYKANKA OO DOWLADDA KENYA KU WAREEJIYAY DIYAARADO

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaarado dhowr ah oo nooca dagaalka ku wa reejiyay dowladda Kenya, kadib Muna asabad ka dhacday Magaala da Nayrobi ee Caas imada Ken ya.

diyaradoTiradda diyaarada ha Mareykanka uu ku wa reejiyay Kenya ayaa waxaa la gu sheegay inay ga arayaan ilaa iyo lix diyaaradood ah nooca MD530F, wa xaana Kenya u adeegsan doontaa dagaalka ka dhan ah Alshabaab.

Goobta ay ka dhacday Munaasabada wa reejinta diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend.Taliye Stephen To wnsendn oo halkaas khudbad kooban ka jeed iyay ayaa waxaa uu sheegay in lixda diyaarad ood ee lagu wareejiyay Kenya ay qeyb ka yih iin iskaashiga dhanka amaanka ah eek a dhex eeya Kenya iyo Mareykanka.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka dowlad da Kenya ayaa u mahadceliyay Mareykan ka, iyagoona sheegay in tallaabada uu Mareykan ka qaaday ay tahay mid muhiim u ah.

Si kastaba Mareykanka ayaa Kenya ka caa winaya dagaalka ka dhan ah Alshabaab, iyad oona ay xusid mudan tahay in bishaan Jana ayo Alshabaab ay weerar xoogan ku qaad een Saldhig Ciidanka Badda ee Marey kanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deeg aanka Mand Bay eek u yaalla Gobolka xe ebta ah ee Lamu ee Kenya.

26KA JANAAYO 1991KII WAA DHARAARTII AY JABTAY SOOMAALIYA!!!.

26-janaayo 29sanno ka hor oo ku beegneyd 26ka Jan aayo 1991kii Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal ku yimid Qoriga caarradiisa, si qorshe la’aan ah ayaa maalintaasi lagu riday Maamulkii 21ka sanno Wadanka ka talinayay, Dil, Dhac, Bililiqo iyo Rasaas si macno la’aan ah loo ridayay ayaa G/Banaadir ku baahday ka dib markii uu Magaalada Muqdisho ka huleelay Odaygii Wadanka ka Talinayay.

Maalmo kooban dabadeed isbadalkii dhac ay waa lagu hungoobay, farxaddii loo qabay rit aanka taliskaasi ayaa luntay, Rajadii ku aada neyd in la gaari doono Nabad, Caddaalad iyo Horumar ka sarreeya midkii Siyaad Barre ayaa lagu guuldareystay, nasiibdarro hamigii la qa bay booskiisa waxaa galay Dagaalo Ahli ah oo u dhaxeeyay Hogaamiyaashii Jabhadaha ee Xukunka u oomanaa.

Muddo kooban gudahood ayay Soomaaliya noqotay wadan kala daatay, deegaan walba waxaa ku baahay Dagaaladii sokeeya, Gaajo iyo Macluul ayaa daris lala noqday, maalin wa lba waxaa geeriyoonayay dad aan yareyn, Ku manaan Soomaali ah ayaa ka talaabay Xuddu udaha si ay Caalamka uga helaan nolol ku dhi san Qaxootinimo.

Laga soo bilaabo dharaartii ay ahayd 26ka Janz1991kii illaa iyo haatan oo ka soo waree gtay 29 sanno ku dhan Soomaaliya walli ma helin Dawlad Dalka hanata, Dagaalo ayaa gob ollada qaarkood ka aloolsan, Dawlad Gobolee dyo is diidan ayaa dhismay, Dilka ayaa wali ca adi iska ah, caddaalad la’aanta jirta ayaan qar saneyn, Midnimadii Soomaaliyeed ayaa luntay, arimahaasi ayaa qeyb ka ah dhaxalka lagala haray eryidii Maxamed Siyaad kadib.

Waa marag ma doonto in Siyaad Barre loo darsaday, hubaashii waxaa Dalka ka dhacay gefaf ka badan intii Siyaad galay, xaqiiqdii ha ddii la is barbar dhigo qaladaadkii ay gashay Dawladdii Kacaanka iyo Jariimooyinkii la ga ystay 29kii sanno ee la soo dhaafay waxaa ba dan xumaantii la gaystay sannadihii la soo dha afay..

Waa dhici kartaa in dadka qaarkiis ay dhibs anayaan magaca Taliskii Siyaad Barre caad ifad qabiil darteed, waa suura gal ah in qaybo ka mid ah shacbigeenu ay u muuqato qalad aadkii ay ku kacday Towradii Kacaanka, balse marnaba waxaa la isla meel dhigi karin gefafkii Kacaanka iyo kuwii isaga kadib la gaystay, daacadnimo haddii loo hadlayo waxaa hubanti ah in Siyaad Barre uu ka wadanisanaa intii ka danbaysay ee Soomaaliya soo maaamushay.

Ma filayo in geesi la mid ah ruugcaddaagii Siyaad Barre oo kale uu ka soo bixi doono gay igeena, dhabtii wey adag tahay in Soomaaliya ay degdeg ku gaarto Maqaamkii ay joogi jir tay, hase yeeshee haddii Alle loo Towba kee no, isla markaana lala yimaado isu Tanasul, Waddanimo, Caddaalad, Sinnaan iyo isla Xisa abtan dhab ah, waa suurtagal in Soomaaliya ay dib u hanato sharaftii, haybadii iyo wanaagii ay Dunida ku dhex lahayd.

WD:C/Laahi Shiikhaalow

SHEEKH SHAAKIR OO KU HANJABAY INAY DHIS AYAAN MAAMUL AY LEEYIHIIN DADKA REER GALMUDUG

Madaxa Xukuumadda Galmudug, kana mid ah Hoggaanka Ahlusuna WalJameeca Sh.M axamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku eedeeyay DFS inay gebi ahaanba afduubtay doorashada Galmudug, dadka reer Galmudugna ay maam ulkooda marti ka noqdeen.

Sh.Shaakir ayaa sheegay in DFS ay uga dig een dowladda la kaliyoobida hannaanka doora shada, balse ay u cadahay in aanay u dhimrin eyn dadka reer Galmudug, ayna u cadahay in ay gaara an ujeedkooda ah inay si afduub ah ku dhis taan maamul aan loo mideysneyn oo ku yim aada hannaan doorasho aan daah furn eyn iyo Musharaxiin maxlal ah (Malxiis), taas na ay bannaanka soo dhigeyso damaca waa lida ah ee marooqsiga ku dhisan ee DF ka wado Galmudug.

Waxaa uu sheegay in haddii DF ay wax ka bedeli weydo sida ay wax u wado ay guda geli do onaan inay dhis aan maamul ay u dhan yih iin dadka deeg aanka

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:

Warq

BOGGA CAYAARAHA

WAA SIDEE XAALADA EDEN HAZARD EE KA HOR KULANKA ADAG EE MADRID DERBY? MIYUU DIYAAR U NOQON KARAA ATLETIOC MADRID?

Eden Hazard ayaa garoomada ka maqnaa labadii bilood ee ugu dan beeyay laakiin waxa uu wali u muuqdaa mid aan diyaar u noqon doonin kulanka muhiimada wayn kooxdiisa Madrid u yeelan doona ee Madrid derby.

HAZARD Real Madrid waxay caawa haysataa in ay markii ugu horaysay mu ddo 100 maalmood ah ay kali ku noqon karto hogaaminta La Liga kadib guuldaradii Caawa ka soo gaadhay kooxda Valencia laakiin Eden Hazard ayaa wali u baahan waqti uu ku soo kabsado.

Real Madrid iyo Atletico Madrid oo dhawaan isku arkay finalkii Spanish Super Cup ayaa markale gee saha isla gali doona Febuary 1, 2020 waana kulan ay hadda u muuqato in Eden Hazard uu seegayo.

Xidiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa waqtiga la baratamaya sidii uu taam ugu noqon lahaa kulanka Madrid Derby laakiin wargayska AS ee caasimada Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay in ay adag tahay in Hazard uu taam unoqon karo kulanka Madrid Derby.

Wargayska AS ayaa shaaciyay in Eden Hazard uu wali dhibaato ka dar eemayo jilibkii uu ka dhaawacmay laba bilood ka hor markaas oo uu xidiga xulkiisa Belgium ee Thomas Meunier uu dhaawacan ku soo gaa dhsiiyay kulankii Champions League ee PSG.

Eden Hazard ayaa ku soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa Ma drid ee Valdebebas isaga oo xataa ku shaqaynaya kubbada laakiin ra axo la’aan uu ka dareemayo jilibkii uu ka dhaawacnaa ayaa shaki galin aysa waqtiga uu soo laabanayo.

Sababta kale ee aanu Eden Hazard ku ciyaari doonin kulanka Mad rid Derby ayaa lagu sheegay in ayna Los Blancos doonayn in ay garo omada kula soo deg degaan Hazard si aanu xaalad ka sii xun u galin.

Zinedine Zidane ayaa leh dhaqan uu taxadar badan kaga muujiyo in uu ciyaartoyda kooxdiisa halis galiyo marka ay ka soo laabtaan dhaaw aca wuxuuna sidoo kale ogyahay awooda jidh ahaaneed ee ay kooxdi isu u baahan tahay kulanka Atletico Madrid taas oo halista Hazard sii kordhin karta haddii lala soo deg dego.

Si kastaba ha ahaatee, Eden Hazard ayaa si adag uga shaynaya si dii uu garoomada ugu soo laaban lahaa isaga oo hadda muddo laba bil ood ah maqan balse waxay u muuqataa in uu seegi doono kulanka wayn ee Madrid Derby.

LABA KA MID AH KOOXAHA PREMIER LEAGUE OO KU TARTAMAYA JAMES RODRIGUEZ OO AMAAH KAGA BIXI KARA REAL MADRID.

James Arsenal iyo Everton ayaa lagu soo warramayaa iney ku loolamay aan saxiixa xiddiga khadka dhexe Real Madrid James Rodriguez kaas oo amaah kaga bixi kara kooxdiisa ka hor inta uu san xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bishaan January.

28-jirkaan heerka caalami ayaa xagaagii laga soo gudbay amaah laba fasal ah kaga soo noq day Bayern Munich, balse kusoo laabashadiisii caasimadda uma noqon wax wanaagsan.

James Rodriguez ayaa kasoo muuqday Los Blancos 11-kulan, kaliya 4-jeer ayuuna kusoo bilowday kulamada La Liga, waxaana la ogyahay inuusan xiddiga u ciyaarin kooxda tan iyo October kadib dhaawac soo gaaray.

Florentino Perez ayaa la aaminsan yahay inuu xiddigaan ku qiimeynayo 34 Malyan oo Pound inkastoo ay shaki la’aan tahay iney bishaan ku diri doonaan amaah ka hor inta uusan si rasmi ah kooxda uga tagin xagaaga soo aadan.

Ilo wareedyo laga helayo Spain oo xiganaya Sports Mole ayaa sheegaya in kooxaha Arsenal iyo Everton ay isha ku hayaan arinta xiddigaan reer Colombia.

Gunners ayaa xiriir fiican la leh Los Blancos maadaama ay dhawaan ka heshiiyeen heshiis amaah hal fasal ah oo ay ku qaateen Dani Ceballos.

Balse dhawaan shabakadda Marca waxey qortay in James uu iska diiday inuu u wareego Emirates Stadium, taas badalkeedana uu doonayo inuu Zidane u cadeeyo qofnimadiisa.

Wararka La Xiriir

MANUNITED OO XASUUQDAY KOOXDA HEERKA SADDEXAAD EE TRANMERE ROVERS KULAN AY SHABAQA SOO TAABTEEN LINGARD & JONES.

Man United ayaa nus darsan goolal ah kaga badisay kooxda heerka 3aad ee Tranmere Rovers kulan ka tirsan koobka FA Cup-ka oo ay lab ada kooxood ku ciyaareen garoonka Prenton Park.

United Red Devils oo dhibaato ku dhex jirtay kulamadii ugu dambeeyay dhamaan tarta mada oo dhan ayaa guul weyn gaartay, waxaana goolasheeda saddex ka mid ah dhaliyay ciyaartoy daafaca kaga ciyaarta.

Maguire ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horr eeyay kooxda tan iyo markii uu noqday daafaca ugu qaalisan kubadda cagta xagaagii laga soo gudbay wuxuuna dhaliyay kubad uu ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Red Devils ayaa goolkeeda labaad heshay saddex daqiiqo kadib markii Dalot uu kubad ka helay Martial, si qurux badan ayuu xiddig ugu gooyay ka hor inta uusan shabaqa kubad awood leh ku shubin.

Sidoo kale waxaa qeybta hore ciyaarta saddex gool raacsaday Jesse Lingard, Phil Jones iyo sidoo kale Anthony Martial.

Mason Greenwood ayaa dhaliyay rigoore, wuxuuna ahaa goolkii ugu dambeeyay ay Man United ka dhaliso kulanka.

Guul weyn ayey Red Devils gaartay waxeyna iska xaadirisay wareega 5-aad ee koobka FA Cup-ka oo isku aadkiisa la sameyn doono berito.

SHAXDA RASMIGA AH EE SHREWSBURY VS LIVERPOOL IYO KLOPP OO SHAX CUSUB SAMAYSTAY.

Klopp0

Liverpool ayaa marti u ah kooxda yar ee Shrewsbury oo ka ciyaarta horyaalka League One ee dalka England, wuxuuna Jurgen Klopp doo nayaa in ay kooxdiisu sii wadato riyada in ay saddexda koob u wada tartamaan.

Jurgen Klopp ayaa sidii laga filayay isbadalo badan sameeyay isaga oo kulanka Shrewsbury nasixiyay ciyaartoy badan oo kooxdiisa kowaad muhiim ka ah. Liverpool waxay doonaysaa in ay wareega shanaad ee FA Cupka soo gaadho markii ugu horaysay tan iyo xili ciyaareedkii 2014-15 markaas oo ay afar dhamaad ka koobkan soo gaadheen.

Klopp waxa uu goolka ku soo bilaabay Adrian isaga oo Alisson Be cker liiska gabi ahaanba ka saaray waxaana difaaca kuwada jiraa Joel Matip, Dejan Lovern, iyo labada da’yar ee Williams iyo Larouci.

Khadka dhexe waxaa ku soo bilawday Fabinho kaas oo markii ugu hora ysay shaxda Klopp waqti dheer ku soo baxay waxaana ka garab ciyaari doona Chirivell iyo xidigii Reds kulankii Everton soo dhaafiyay ee Jones.

Saxiixa cusub ee Minamio ayaa weerarka kula soo bilawday da’ya rka Elliott iyo waliba Devock Origi oo weerarka dhexe hogaaminaya.

Klopp ayaa kursiga kaydka ku soo qortay Firmino, Salah, Oxlade-Cha mberlain, iyo Alexander-Arnold iyada oo Van Dijk, Gomez, Henderson, Wijnaldum, Lallana, Alisson iyo xidigo kale ay gabi ahaanba liiskan ka maqan yihiin.

SHAXDA RASMIGA AH EE SHREWSBURY VS LIVERPOOL

SHREWSBURY XI:?

Liverpool XI: Adrian, Williams, Matip, Lovren, Larouci, Fabinho, Chir ive lla, Jones, Minamino, Elliott, Origi.

Subs: Kelleher, Keita, Firmino, Salah, Oxlade-Chamberlain, Hoever, Alexander-Arnold.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip