Golaha Arrimaha Islaamka Itoobiya oo Sharci ogolaansho la siiyey

0
Sunday January 26, 2020 - 19:22:38 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Arrimaha Islaamka Itoobiya oo Sharci ogolaansho la siiyey

    Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi.

Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ka jawaabay dalabkii ay bulshada muslimiinta Ethiopia usoo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in muslimiintu ay baahi u qabaan inay yeeshaan Gole si sharci ah dawladdu u aqoonsan tahay si loogu sameeyo machad diimeed soo abaabula arrrimaha islaamka isla markaana fuliya shuruucda bulshooyinka islaamka ah ee Ethiopia, isla markaana dammaanad qaadaya xuquuqdooda bulsho ahaaneed iyo inay xiriir toos ah la yeeshaan hay’adaha diimeed iyo bulshooyinka kale ee dalka Ethiopia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip