Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey Sharci muhiim ah

0
Monday January 20, 2020 - 18:43:23 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey Sharci muhiim ah

    Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa Kulankooda caadiga ahaa ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaana uu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa Kulankooda caadiga ahaa ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaana uu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mohamed Osman Farah ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada. Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa soo xaadiray 32 Senatar,waxaa Ogaalada 31 Senatar,Wax diiday majirin , Waxaa ka aamusay majirin. Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip