Koox Jawaab Ka Bixisay Eedeymo Culus Oo Loo Jeediyay Madaxweyne Trump

0
Sunday January 19, 2020 - 21:12:06 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Jawaab Ka Bixisay Eedeymo Culus Oo Loo Jeediyay Madaxweyne Trump

    Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bixisay jawaabtii ugu horreysay oo ku aaddan eedeymo loo jeediyay madaxweynaha, kuwaas oo sababay in madaxweynaha laga keeno dawcad xil ka qaadis ah. Sharci-yaqaannadan ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bixisay jawaabtii ugu horreysay oo ku aaddan eedeymo loo jeediyay madaxweynaha, kuwaas oo sababay in madaxweynaha laga keeno dawcad xil ka qaadis ah. Sharci-yaqaannadan ayaa arrintaan ku tilmaamay weerar halis ah oo lagu qaaday dimuquraadiyadda. Dukumentiga kooxda oo ka kooban 111 bog ayaa lagu sheegay in qodobbada xil ka qaadista aysan ku jirin wax muujinaya in dembi uu galay madaxweynaha isla markaana looga gol leeyahay in lagu farageliyo doorashada madaxtinnimada ee sanadkan dalkaasi ka dhici doonta.

 
Hadal jeedinta dacwad oogidda ayaa lagu wadaa inay bilaabato toddobaadka soo socda.

Mr Trump waa madaxweynihii saddexaad inta la ogyahay taariikhda Mareykanka ee wajaha dacwad xil ka qaadis ah, waxaa lagu eedeeyay ku tumasho awood iyo inuu aqalka Congress-ka is hortaag ku sameeyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip