Sanbaloolshe oo sheegay hal sabab oo DF aysan uga 'adkaan karin' Al-Shabaab

0
Sunday January 19, 2020 - 20:51:57 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe oo sheegay hal sabab oo DF aysan uga 'adkaan karin' Al-Shabaab

    Taliyihii hore ee hey'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay qaraxyada joogtada ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan shaqaalaha dhisaya wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee hey'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay qaraxyada joogtada ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan shaqaalaha dhisaya wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sanbaloolshe oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay tan kaliya ee dhisme dhan walba leh oo muuqda dalka ka fulisa, hadii ay dowladdu xakamey weyso weerarrada ku wajahana ay tageyso inuu hakado dhismaha wadadaas. Taliye Sanbaloolshe waxa uu sheegay in Shabaab ay mar walba beegsadaan cidd kasta oo ay u arkaan inay horumar ka wado dalkan, si ay caalamka uga niyad jebiyaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkan burburay. Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay hadaf fog ka leedahay dhismaha dalka, dhul dheerna ay uga timid, si fududna aysan uga niyad jabeyn dib u dhiska ay ka wado Soomaaliya, balse ay macquul tahay inaan dadka meesha lagu sii heyn hadii weerarradu sidan ugu socdaan, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii hore ee NISA ayaa dowladda ugu baaqay inay wax ka bedesho nidaamka sugidda amaanka dalka, isagoo kula taliyey inay sameyso seddax qodob oo kala ah:

1 – In Al-Shabaab caqiido lagula diriro.
2 – In dagaalkan lagu wajaho kacdoon shacab, iyo
3 – In hey’adaha ammaanka loo dhiibo dad aqoon u leh, ciidamada dalka u dhimanayana xuquuq fiican meel loo saaro.

Ugu dambeyntii Talihii hore ee Nabad sugidda ayaa sheegay in amaanka dalka aan la sugi karin inta siyaasadu sidan u cakiran tahay.

"Waxaan qabaa in Soomaalidu kulligeed Shabaab meel uga soo wada jeesato, mana qabo in dowladda hada jirta ay Shabaab ka guuleysa karto” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Taliye Sanbaloolshe.

Halkan ka dhageyso Sanbalooshe


Audio Player
 
 
Sponsored by Revcontent
xigashocasimadda.net
 

Up Next



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip