Lionel Messi: Waan Ogeyn In Arsenal Aysan Na Celin Karin Qeybtii Labaad Ee Ciyaarta.

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:30:00 in Sports News by
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi: Waan Ogeyn In Arsenal Aysan Na Celin Karin Qeybtii Labaad Ee Ciyaarta.

    Lionel Messi ayaa la hadlay kanaalka isbaanishka ee TV3 ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisa Barcelona xalayto kaga badisay Arsenal kulankii Emirates Stadium ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa la hadlay kanaalka isbaanishka ee TV3 ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisa Barcelona xalayto kaga badisay Arsenal kulankii Emirates Stadium ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

"Waxaan u ciyaarnay sida ugu fiican anagoo ka hor nimid koox fantastik ah. Waan ku faraxsanahay sida aan u ciyaaray ciyaarta oo dhan. Waxay u shaqeeyeen si aad u adag qeybtii hore laakiin waan ogeyn inaysan awoodi doonin inay maareeyaan cadaadiska qeybtii labaad” ayuu yiri Messi.

Lionel Messi

"Waxan bilownay inaan raadino boosas aan ka galno, waxaana awood u yeelanay inaan gooldhalinta furno. Arsenal waxa ay awoodaa wax walba. Waxaan halkaan kala tageynaa natiijo weyn laakiin fekerka waxa uu ahaa mar walba inaan baxno oo aan soo badino. Nasiib wanaagsan markaan waxaan awood u yeeshay inaan dhaliyo rigoorada” ayuu hadalkiisa raaciyay Messi isagoo tixraac u sameynayay rigooradii uu u baasay Suarez ee muranka dhalisay.

"Waxaan qasaarinay dhowr rigoroe xilli ciyaareedkan, laakiin taasi waxaa u sabab ah goolhayayaasha oo shaqo guri inaga dhigtay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip