Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Guuldaradii Xalayto Ka Soo Gaartay Arsenal Kooxda Barcelona & Rajadooda Inay U Gudbaan Wareega 8da Champions League?

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:28:29 in Sports News by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Guuldaradii Xalayto Ka Soo Gaartay Arsenal Kooxda Barcelona & Rajadooda Inay U Gudbaan Wareega 8da Champions League?

    Mucjisada Lionel Messi ayaa Arsenal ka dhigtay mid u baahan natiijo mucjiso leh si ay ugu soo baxaan wareega sideed dhamaadka ee koobka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucjisada Lionel Messi ayaa Arsenal ka dhigtay mid u baahan natiijo mucjiso leh si ay ugu soo baxaan wareega sideed dhamaadka ee koobka Champions League.

Xiddiga adduunka ugu fiican ayaa goolasha furay daqiiqadii 71aad, waxaana uu kala dhantaalay kooxda Arsene Wenger daqiiqadii 83aad markii uu gool u sarifay rigoore loo dhigay.

Tababaraha Gunners ayaa qirtay: "Waxaan aheyn kuwa iska dhex-dhexaad ah. Waxaana soo bandhignay qibrad yari, taas ayaana aheyd waxa aan ku jahwareersanahay.

"Waxa ay ka dhigeysaa wax aad u adag haddii aysan aheynba wax aan macquul aheyn inaan u soo baxno wareega xiga. Waa inaan halkaas aadno oo aan dagaalano. Waa ay inaga fiicnaayeen. Ceebna ma ahan inaan sidaas iraahdo.

Arsenal-v-Barcelona

"Aad ayay u adkaan doontaa laakiin waa ku qasbanahay inaan isku dayno oo aan qabano shaqadeena ugu fiican. Boqolkiiba 95 iyaga ayaa soo baxay, aniga boqolkiiba shan ayaan fursad heysanaa. Laakiin marnaba ma ogid waxa dhici doona.

"Waxaan nahay Arsenal Football Club. Ma aadi doono halkaas anagoon fursad helin laakiin waxaan dooneynaa inaan diirada saarno kulankeena soo socda.

"Waa ay inaga fiican yihiin, waxaana rumeysanahay in qof walba uu taasi ogyahay laakiin waxaan aaminsanahay inaan badin karnay kulankii caawa haddii aan dishibiliinkeena sii wadi laheyn ilaa iyo dhamaadkii. Mar kale, sida kulankii Monaco waa isla sidii. Si la mid ah kulankaas ayaa naloo galay.

"Waxaan qabaa in Barcelona ay halis ku yihiin dhan walba oo ciyaarta ah, islamarkii ay boos xun kugu helaan hal ama labo ciyaaryahan oo iyaga ah, waxaad mareysaa ciqaab.

"Waxaan helnay labo ama seddex fursadood oo aan ku celino goolka koowaad laakiin ma aanan sameynin sababtoo ah waxaan dareemay inaanan heysan jawaab sax ah oo ay ciyaartoydeyda bixin kareen.”

Goolasha Messi ayaa ahaa goolashii todobaad iyo sideedaad ee uu ka dhaliyo Arsenal laakiin waxa ay ahaayeen labadii gool ee ugu horeysay ee uu ka dhaliyo Peter Cech oo uu ka hoyimid muddo 10 saacadood iyo 11 daqiiqadood ah oo ay ku jirto waqtigiisii Chelsea.

Rigoorada waxaa keenay Mathieu Flamini kaliya 47 ILBIRIQSI uu bedel xilli danbe ah ku soo galay.

Labada kooxood ayaa mar kale lugta labaad ku kulmaya Camp Nou laakiin Arsenal ayaa haatan u muuqata inay ku hartay wareegaan xilli ciyaareedkii shanaad oo isku xigta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip