Al-Shabaab oo markale weerar ka geystay gudaha Kenya

0
Tuesday January 07, 2020 - 16:11:02 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo markale weerar ka geystay gudaha Kenya

    Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay todobaad gudihiis weerar ka fuliyeen deegaano ka tirsan gudaha dalka kenya,waxaana ay weerar ka geysteen deegaan duleedka ka ah magaalada Gaarisa xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas Kenya. Taliye ku xigeenka Bo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay todobaad gudihiis weerar ka fuliyeen deegaano ka tirsan gudaha dalka kenya,waxaana ay weerar ka geysteen deegaan duleedka ka ah magaalada Gaarisa xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas Kenya. Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Gaarisa, Kibet Bowen ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen Saldhig ay Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin xaafadda Saretho oo u dhow xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay weerarkaas ka hortageen,isla markaana ay dileen laba kamid ah Xubnaha Al-Shabaab ee weerarka salhdiga kusoo qaadey walow fah faahin intaasi kasoo dheer uusan bixin.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya,sidoo kalena ay gubeen Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaariinta Safaricom.

Waa weerarkii saddexaad oo todobaad gudihiis ay Al-Shabaab ka fuliyaan Gudaha Kenya,waxaana ay horey uga fuliyeen Xerada Ciidamada Cirka ee Kenya iyo Mareykanka ku leeyihiin Gobolka lamu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip