Iiraan Oo Jabsatay Barta Interner-Ka Ee Dowladda Maraykanka

0
Tuesday January 07, 2020 - 15:45:40 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan Oo Jabsatay Barta Interner-Ka Ee Dowladda Maraykanka

    Koox ka soo jeeda dalka Iiraan ayaa qiratay in ay jabsadeen website-ka dowladda Maraykanka ayna ku baahiyeen fariin. Muuqaalka madaxweyne Trump oo dhiig ka muuqa ayey ku shaaciyeen barta internet-ka ee dowladda Maraykanka. Fariin la socotay aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox ka soo jeeda dalka Iiraan ayaa qiratay in ay jabsadeen website-ka dowladda Maraykanka ayna ku baahiyeen fariin. Muuqaalka madaxweyne Trump oo dhiig ka muuqa ayey ku shaaciyeen barta internet-ka ee dowladda Maraykanka. Fariin la socotay ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka falcelinayaan dilkii loo gaystay Jeneraal Qaasin Sulaymaani. Weli lama shaacinin cadaymo rasmi ah oo sheegaya in falkan ay Iiraan ka dambaysay.

 
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray "in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!”

"Waxaan Iran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa”, ayuu Trump ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu billaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahay Iran.

Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaad kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahayd in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoosi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip