Telefishin Turki Ah Oo Joojiyay Tabinta Ciyaartii Emirates Stadium Ee Xalayto Ka Dib Aflagaadooyin Ay Kala Kulmeen Jamaahiirta Arsenal.

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:26:05 in Sports News by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telefishin Turki Ah Oo Joojiyay Tabinta Ciyaartii Emirates Stadium Ee Xalayto Ka Dib Aflagaadooyin Ay Kala Kulmeen Jamaahiirta Arsenal.

    Labadii gool ee uu Messi ka dhaliyay Arsenal ayaa ah waxyaabihii ugu waa weynaa ee looga hadlayo guushii ay Barcelona gaartay, laakiin Turkiga sheeko kale ayaa qabsatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadii gool ee uu Messi ka dhaliyay Arsenal ayaa ah waxyaabihii ugu waa weynaa ee looga hadlayo guushii ay Barcelona gaartay, laakiin Turkiga sheeko kale ayaa qabsatay.

Intii ay socotay qeybtii labaad ee kulankii xalayto ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League, labo tabiye oo Turkish ah ayaa go’aansaday inay mikrafoonka iska dhigaan oo ay joojiyaan shaqadooda tabinta ka dib markii aflagaadooyin aad iyo aad u xun xun ay kala kulmeen jamaahiirta Arsenal ee ku gaaf wareegsanaa.

Ciyaartaan oo si toos ah looga baahinayay kanaalka Turkiga ee TRY ayaa noqotay mid si weyn u qabsata baraha bulshada, iyadoo la maqlayay taageerayaasha Gunners oo ereyo aflagaado ah u geysanaya tabiyayaasha Turkiga sida "F*cking wh*res”.

lionelmessi-cropped_13hzl6egv1m8y17cibu9zvbhl0

Tabiyayaasha Yalcin Cetin iyo Omer Urundul ayaa fadhiyay meel si weyn ugu dhow taageerayaasha martida loo ahaa, kuwaasoo aan la dhicin shaqada garsooraha Turkiga Cuneyt Cakir.

Labada tabiy ayaa isku dayay inay u sharaxaan daawadayaashooda waxa socda iyo ereyada aflagaadada ah ee ay TV-ga ka maqlayaan laakiin waxa ay dareemeen inay xaaladu tahay mid aan lagu shaqeyn karin markii Jordi Alba iyo Oliver Giroud ay isku dhacayeen.

Daqiiqadii 65aad labada nin waxa ay go’aansadeen inay joojiyaan tabinta ciyaarta iyadoo ereyada aflagaadada iyo foorinta ay sii socotay, waxaana ay sheegeen inaysan heysan doorasho aan ka aheyn inay ka dhaqaaqaan goobtii ay fadhiyeen.

Cetin iyo Urundul ma aysan soo laabanin, si kastaba, qabiirada isboorti ee fadhiyay istuudiyaha TRT ee dalka Turkiga ayaa dhanka tabinta la wareegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip