Dad Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Buuhoodle

0
Tuesday January 07, 2020 - 15:33:28 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Buuhoodle

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in in ka badan 10 Ruux ay saacadihii la soo dhaafay cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan Magaalada Buuhoodle. Dadka Cudurkaas u geeriyoodey ayaa kala ah Sideed Carruur ah iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in in ka badan 10 Ruux ay saacadihii la soo dhaafay cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan Magaalada Buuhoodle. Dadka Cudurkaas u geeriyoodey ayaa kala ah Sideed Carruur ah iyo laba qof oo weyn,waxaana dadka intooda badan ay ku dhinteen deegaanka Widhwidh oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Buuhoodle.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xirgeeye, ayaa maanta Warbaahinta sidaasi u sheegay,isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay weli wado baaritaano kale.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay gargaar Caafimaad gaarsiin doonto deegaannada hoostaga Magaalada Buuhoodle oo uu Cudurka Shuban biyoodka ka dilaacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip