Mustafe Cagjar oo balan qaaday inuu somaliland kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa weriye Coldoon

0
Tuesday January 07, 2020 - 14:30:29 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustafe Cagjar oo balan qaaday inuu somaliland kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa weriye Coldoon

    War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook-ga Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ItoobiyaMustafeMuxumad Cumar ayaa sheegay in ay Soomaaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon. "Xukuuma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook-ga Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ItoobiyaMustafeMuxumad Cumar ayaa sheegay in ay Soomaaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon. "Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland.Abdimaalik muuse sidii uu xoriyadiiisa u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse" ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Sidoo kale Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa waxaa uu balanqaaday in door weyn ka qaadanayo sidii loo sii day lahaa weriye Cabdi maalik Coldoon oo mudo u xiran Soomaaliland.

Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan,isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ay Wariye Coldoon ku eedeeyeen inuu u gefay Somaliland, iyo aflagaado la sheegay inuu u geystay dugsiga abaarso.

Soomaaliland ayaa lagu eedeeyay in ay xirto dadka ka aragtida duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip