Senator Muuse Suudi: burcad Batrool iskama dhici karno.."

0
Monday January 06, 2020 - 23:05:46 in Wararka by
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Muuse Suudi: burcad Batrool iskama dhici karno.."

    Senetor Muuse Suudi Yalaxow oo maanta hadal ka jeediyey fadhigii golaha Aqalka Sare ee lagu ansixiyey sharciga Batroolka dalka, ayaa soo jeediyey in ansixinta sharcigan lala sugo dowlad xoog leh oo damaanad qaadi karta Senetorka ayaa sheegay in mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senetor Muuse Suudi Yalaxow oo maanta hadal ka jeediyey fadhigii golaha Aqalka Sare ee lagu ansixiyey sharciga Batroolka dalka, ayaa soo jeediyey in ansixinta sharcigan lala sugo dowlad xoog leh oo damaanad qaadi karta Senetorka ayaa sheegay in mar walba ay muhiim tahay in la soo saaro Batroolka dalka, balse suurtagal ma ahan in hadda lagu deg dego, iyadoo uusan jirin sharci lagu heshiiyey oo lagu hago Batroolka, isla markaana aysan sharcigan raali ka aheyn dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland. Muuse Suudi wuxuu sheegay in qeyb ka mid ah badda ay dacwad ku jirto, isla markaana ay qabaan shaki badan oo ku aadan sida ay xukuumaddu ugu xusul duubeyso suuq geynta shidaalka dalka. "Waxaa la qodi rabo oo warqadaha loo sameysanaayo, oo la beec geynaayo, oo kalluunkeeda iyo canshuurteeda la iska guranaayo, oo garoomadooda iyo dekedahooda la biisho waa reer Hir-Shabeelle iyo Muqdisho, badanaa waa la kala xigaa, anigu waardiye ayaan ka ahay badaas, marka hada waxaan arkaa dad waxoodii u keydsan yihiin, waxeynana gacanta u taagaya oo leh waa in la hirgeliyo oo na boobaaya"ayuu yiri Senetor Muuse. Senetorka oo hadalkiisa sii watey ayaa golaha ka hor yiri, "Sharcigan waxaa laga rabaa in warqadii laga soo saxiixay Golaha Shacabka, laga saxiixo golahan Aqalka Sare, kadibna loo geeyo Madaxweynaha ee markuu saxiixo Ra'iisul Wasaaruhu u geeyo shirkado lacag kaliya looga rabo". "Doomo aan badeena ku ilaashano ma qabno maraakiib islaameed ayaa noo soo gudbisa raashinka, kalluunkii ayaan ilaashan weynay, burcad badeed ayaan iska dhici weyney, marka burcad Batrool iskama ilaali karno" ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Senetor Muuse Suudi Yalaxow. Ugu dambeyntii Senetor Muuse Suudi ayaa soo jeediyey in heshiiskan hadii la galaayo lala galo dowlado damaanad qaadi kara oo aan ku xad-gudbeyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip