Lionel Messi Oo Jecel Inuu Dhibo Arsenal – Sideed Gool Ayuu Ka Dhaliyay Shan Kulan Uu Ka Horyimid Champions League.

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:24:03 in Sports News by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Jecel Inuu Dhibo Arsenal – Sideed Gool Ayuu Ka Dhaliyay Shan Kulan Uu Ka Horyimid Champions League.

    Lionel Messi ayaa cadeeyay inuu jecel yahay inuu dhibka ku sii badiyo Arsenal ka dib markii uu xalayto ka dhaliyay goolkiisii 7aad iyo 8aad ee uu shabaqa ka soo taabto kooxda Gunners.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa cadeeyay inuu jecel yahay inuu dhibka ku sii badiyo Arsenal ka dib markii uu xalayto ka dhaliyay goolkiisii 7aad iyo 8aad ee uu shabaqa ka soo taabto kooxda Gunners.

Xiddiga reer Argentina ayaa lix jeer ka horyimid Petr Cech isagoo xiran maaliyada Chelsea, lixdaas jeerna marnaba shabaqa kama soo taabanin goolhayaha reer Czech.

In muddo ahna waxa ay u muuqata in goolhayaha koowaad ee Gunners inuu rikoorkiisa la sii dheereysan doono kooxda Arsene Wenger.

Messi_2706230a

Laakiin Messi ayaa gool la yimid qeybtii labaad markii ay Barcelona soo qaadeen kubad rogaal-celis fantastik ah.

Ka dib markii uu qalad kala kulmay Mathieu Flamini oo aan xitaa kubadiisii ugu horeysay taabanin markii uu garoonka soo galay, xiddiga reer Argentina ayaa shabaqa ku duugay kubada.

Ka hor xalayto kaliya AC Milan ayaa nasiibdarro u heshay in Messi uu sideed gool ka dhaliyo koobka Champions League, taas bedelkeeda Chelsea oo uu sideed kulan ka horyimid weli gool kama dhalinin.

Ugu yaraan waxa ay Arsenal ku guuleysteen inuusan Messi gaarin afartii gool ee uu iyaga kaga dhaliyay Camp Nou sannadii 2010, inkastoo lugta labaad ee Camp Nou ay weli harsan tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip