Puntland oo sheegtay inay howlgal ku dishey Xubno ka tirsan Daacish

0
Monday January 06, 2020 - 22:09:52 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay inay howlgal ku dishey Xubno ka tirsan Daacish

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen toga Miraale we GobolkaBari,halkaas oo la sheegay inay ku dileen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish. Saraakiisha howlgalka hoggaami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen toga Miraale we GobolkaBari,halkaas oo la sheegay inay ku dileen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay wehlinayeen ciidamada Gaarka ah ee Marineska,isla markaana ay howlgalka ku dileen Afar Xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish. Deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Toga Miraale ayaa qiyaastii 27 km dhanka Bari waxaa uu ka xigaa magaalada Bossaso,waxaana saraakiisha ay sheegeen in howlgaladooda ay noqon doonaan kuwa sii socda. Si kastaba howlgalka Ciidamada Puntland ay ka sameeyeen deegaano u dhow Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli howlgal dhawaan laga sameeyey Boosaaso lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay Alshabaab iyo Daacish oo tiradoodu gaaraysay 57 Qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip