Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Al-Shabaab Ee Saldhiga Lamu

0
Monday January 06, 2020 - 19:13:33 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Al-Shabaab Ee Saldhiga Lamu

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerarkii Al-shabaab shalay ay ku qaadeen Saldhig ay wada degan yihiin Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ee ku yaalla Gobolka Xeebta ee Lamu ee dalka Kenya. War-saxaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerarkii Al-shabaab shalay ay ku qaadeen Saldhig ay wada degan yihiin Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ee ku yaalla Gobolka Xeebta ee Lamu ee dalka Kenya. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay Camaabeyneyso weerarkii lagu qaaday Saldhiga Camp Simba oo ay degan yihiin Ciidamada Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu. "Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya waxay dhalleeceyneysaa weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield oo ku yaalla gobolka lamu ee dalka Kenya" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

 
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, waxaana dowladda tilmaamtay inay sii wadi doonaan taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda Gobolka.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, waxaana sii wadi doona wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada.

War ka soo baxay Taliska Ciianka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askari ka tirsan ciidankooda iyo labo qandaraaslayaal oo kamid ahaa Wasaaradda Difaaca Mareykanka lagu dilay weerarka shalay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay 17 askari Mareykanka iyo 9 katirsan melleteriga Kenya, tirada diyaaradaha lagu burburiyay weerarka ayay Al Shabaab ku sheegtay 7 diyaaradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa melleteriga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip