Faah Faahin ku aadan Dagaal Beeleed ka dhacay Kalinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

0
Monday January 06, 2020 - 18:06:19 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin ku aadan Dagaal Beeleed ka dhacay Kalinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

    Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro kala duwan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhex-marey tuulada Hareeri ee hoostagta degmada Jarati ee gobalka Afdheer ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro kala duwan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhex-marey tuulada Hareeri ee hoostagta degmada Jarati ee gobalka Afdheer ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegay inay isku heystaan dhul halkaasi ku yaalla,waxaana la sheegay in dagaalkaas uu sababay dhimashada Afar ruux iyo dhaawaca 20,kuwaas oo isugu jira Shacab iyo maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo katirsan kuwa Dowlad deegaanka ee Liyuu Boolis ay gaareen deegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo ku guulaystay in ay kala dhex galaan maleeshiyaadka labada beelood ee dagaalamay.

Dhanka kale Xaalada Goobta lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid degan walow dadka deegaanka ay sheegeen qaarkood inay cabsi dareemayaan maadama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadka dagaalamay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip