Wasiir Maanta hortegay Xildhibaannada Aqalka Sare

0
Monday January 06, 2020 - 17:59:50 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maanta hortegay Xildhibaannada Aqalka Sare

    Kulankii 24aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta ka qabsoomay Magaalada muqdisho,iyada oo uu shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii 24aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta ka qabsoomay Magaalada muqdisho,iyada oo uu shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad. Ajandaha kulanka ayaa aha akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Batrooolka,waxaana Golaha hor-yimid Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Xubno kale ee Wasaarada ayaa ku wehliyay.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaale iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa guda galay dooda ku aaddan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka,iyaga oo intaasi kadib su’aalo weeydiiyey Wasiirka iyo ku xigeenkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip