Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland oo xukuno riddey

0
Monday January 06, 2020 - 17:35:38 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland oo xukuno riddey

    Maxkamadda Sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta waxay xukuno dil ah ku ridday saddex askeri oo horey uga tirsanaan jiran ciidamada Puntland, kuwaasoo horay u geystay dilal. Waxaa kaloo ay maxkamadu dhegeysatay qaar ka mid ah rag horay Maxkamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta waxay xukuno dil ah ku ridday saddex askeri oo horey uga tirsanaan jiran ciidamada Puntland, kuwaasoo horay u geystay dilal. Waxaa kaloo ay maxkamadu dhegeysatay qaar ka mid ah rag horay Maxkamada Darajada Koowaad ee Maxkamadda ciidamadu ay xukun dil ah ku xukuntay, kuwaasoo ay ka mid yihiin rag loo haysto inay ka tirsan yihiin ururrada Daacish iyo Al-Shabaab.

Dadka la xukumay ayaa waxaa ay kala yihiin Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay dilka Taliyihii Saldhiga Booliiska ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, G/sare Xassan Shire Ammaan, Ayaanle Maxamed Cabdi oo horay u dilay askari kale, Axmed Maxamed Muuse oo ka tirsanaa Ciidanka PMPF, horayna u dilay askari kale.

Sidoo kale dadka la xukumay ayaa waxaa ku jira Cabdulqaadir Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland, horayna Boosaaso ugu dilay nin ka soo jeeda dalka yemen, ayaa isna lagu xukumay in uu bixiyo Mag dhan 100-halaad oo geela, kadib markii ay Yemeniyiinta sheegeen in ay Mag ka qaadanayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip