"Intaan London Ugu Tago Ayaan Wajiga Ka Dharbaaxi Lahaa" – Jawaabtii Twitter Ay Ka Bixiyeen Rigooradii Uu Messi Ku Galay Mathieu Flamini Islamarkii Uu Ciyaarta Soo Galay.

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:19:02 in Sports News by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Intaan London Ugu Tago Ayaan Wajiga Ka Dharbaaxi Lahaa" – Jawaabtii Twitter Ay Ka Bixiyeen Rigooradii Uu Messi Ku Galay Mathieu Flamini Islamarkii Uu Ciyaarta Soo Galay.

    Dad badan Arsenal kama aysan fileynin inay guul ka helayaan kooxdii ugu cadcadeyn guusha lugta hore ee wareega 16ka Champions league ee Barcelona, laakiin waxa ay ka filayeen inay dagaal fiican soo bandhigto. Ciyaarteeda inteeda badana waa ay soo ban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan Arsenal kama aysan fileynin inay guul ka helayaan kooxdii ugu cadcadeyn guusha lugta hore ee wareega 16ka Champions league ee Barcelona, laakiin waxa ay ka filayeen inay dagaal fiican soo bandhigto. Ciyaarteeda inteeda badana waa ay soo bandhigeen. Mathieu Flamini isaga dadaalkaas kama qeyb qaadanin.

Iyadoo Gunners 1-0 lagu hogaaminayo islamarkaana ciyaarta Emirates ay ka harsan tahay 10 daqiiqadood, Arsene Wenger ayaa ka yaabsaday dad badan markii uu soo geliyay burburiyaha khadka dhexe ee gaboobay, dadkii yaabanaa ayaa islamarkiiba arkay natiijada iyagoo uu ninka reer France uu qalad xerada goolka kula galay Lionel Messi ka qaab qaadashadiisii ugu horeysay ee ciyaarta.

Markii uu xiddiga Barcelona Messi gool u sariyay goolka, Twitter ayaa si weyn looga hadal-hayay qaladka Flamini, Wenger iyo guud ahaan Arsenal…

Wile E Kouyate ayaa soo qoray: Mathieu Flamini: bedel saameyn leh.

Football Tweets ayaa iyagana soo qaatay sawirka Kayne West oo wajigiisa ay carro ka muuqato iyagoo soo qoray: "Sidaan oo kale ayay taageerayaasha Arsenal u eegayaan Flamini haatan..”

Gunner Blog ayaa iyagana soo qoray: "Barcelona waa qasab inay faraxsan tahay madaama ay soo geliyeen Flamini.”

Yankee Gunners ayaa isna yiri: "Caqli buu sameeyay Arsene haddii aad ka fekerto. Soo geli Flamini. Ka rajo tir kooxda wareegaan. Diirada saar horyaalka. Waa adag tahay in fekerkaas dood la geliyo.”

Dave ayaa isna yiri: "Kulan gurigaaga ah oo aad u baahan tahay inaad gooldhaliso… soo geli Flamini… waxaad guraneysaa wixii aad tabcato.”

Champ ayaa soo qoray: Waxaan doonayaa haatan inaan u duulo London oo aan raadiyo Flamini islamarkaana aan wajiga ka dharbaaxo. Tani waa inay noqoto kulankiisii ugu danbeeyay ee uu ciyaaryahan Arsenal ah yahay.

Ozilicious ayaa soo qoray: Haddii uu wiilkeyga abid u weydiiyo sababtii aan xabsi u galay, waxaan ku dhihi lahaa: "Wilkeygiyow, waxa ay arintaan oo dhan bilaabatay markii Flamini uu rigoore galay kulankii Barca”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip