Boqolaal kun oo u baroordiiqay Solemani

0
Monday January 06, 2020 - 17:31:43 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal kun oo u baroordiiqay Solemani

    Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta hoggaamiyey duco loo qabtay Qassem Soleimani, ayada oo boqolaal kun oo qof ay isugu soo baxeen magaalada Tehran, si ay ugu baroordiiqaan Jeneraalkii sare ee Iran. Ayatollah Ali Khamenei

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta hoggaamiyey duco loo qabtay Qassem Soleimani, ayada oo boqolaal kun oo qof ay isugu soo baxeen magaalada Tehran, si ay ugu baroordiiqaan Jeneraalkii sare ee Iran. Ayatollah Ali Khamenei ayaa waxaa wehliyey madaxweynaha Iran Hassan Rouhani iyo saraakiil sare oo kale oo Iranian ah.

Isu soo baxa maanta ayaa xigsaday mid kale oo la mid ah oo shalay ka dhacay magaalada ku taalla koonfurta galbeed ee Ahvaz.

Iran ayaa waxa ay ku guda jirtaa saddex maalmood oo baroordiiq ah, ka hor inta aan Soleimani maalinta Talaadada lagu aasin magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman.

Isaga oo madax ka ahaa ciidamada xulka ah ee Quds, Soleimani ayaa waxaa gacan ka gaysan jiray agaasinka howl-gallada militari ee Iran ay ka fuliso dibedda.

Quds oo ah garabka dibedda ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay urur argagixiso.

Soleimani ayaa waxaa 3d-ii Janaayo lagu dilay duqeyn loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, oo ku beegsatay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baghdad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip