Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo howlgal ka socda

0
Monday January 06, 2020 - 09:05:19 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo howlgal ka socda

    Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax xalay Waqooyiga Magaalada gaalkacyoee Xarunta Gobolka Mudug lagula eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada isku-dhafka ee xasilinta Magaalada Gaalkacyo. Sarkaalka ayaa la sheegay in miino loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax xalay Waqooyiga Magaalada gaalkacyoee Xarunta Gobolka Mudug lagula eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada isku-dhafka ee xasilinta Magaalada Gaalkacyo. Sarkaalka ayaa la sheegay in miino loogu xirey Gaarigiisa,isla markaana ay la qaraxday xilli uu mareyay xaafadda Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Saraakiisha amaanka gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa,isla markaana la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo. Weli majirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa gaarigiisa loogu xirey Sarkaal ka tirsan Ciidamada isku-dhafka ee xasilinta Magalada Gaalkacyo,welina kama hadlin Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Gaalkacyo. Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Galkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Puntland ay howlgallo kala duwna ka wadaan Waqooyiga Magaaladaas,iyaga oo baadi goobaya dadkii kad ambeeyey qaraxaas. Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amnidarro,waxaana horaantii Bishii december ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019 qarax Gaari lagu weeraray Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogag dalka Soomaaliyeed balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip