Dowlada oo furtay mashruuca tallaalka xanuunka Sambabka ee Xoolaha

0
Sunday January 05, 2020 - 21:32:33 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo furtay mashruuca tallaalka xanuunka Sambabka ee Xoolaha

    Mashruucaan oo Cudurada Sambabka ku dhaca looga tallaali doonaa in ka badan 14 milyan oo Ari ah, oo ku dhaqan guud ahaan dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucaan oo Cudurada Sambabka ku dhaca looga tallaali doonaa in ka badan 14 milyan oo Ari ah, oo ku dhaqan guud ahaan dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Xannaanada Xoolaha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, Masuuliyiin ka socday xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,ururada ka shaqeeya Xannaanada Xoolaha ,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale. Qaar ka mida mas'uuliyiinta ka qeyb galay barnaamijka ayaa sheegay in uu tallaalkan muhiim yahay, islamarkaana loo baahan yahay in ay ka faa'iideystaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo dhan, si loo helo xoolo caafimaadkoodu dhammeystiran yahay. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray, ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay xoolaha u leeyhiin dhaqaalaha dalka, Wuxuuna tilmaamay in mashruucaan uu muhiimad gaara u leeyahay xoolaha iyo dadka intaba maadaama talaalka uu ka hortagayo cuduro badan oo ku dhaca xoolaha oo ay dadka Soomaaliyeed cuno iyo ganacsiba u isticmaalaan. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xannaanda Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale xusay in uu korar ku yimid dhoofinta xoolaha Soomaaliya, islamarkaana sanadkan la dhoofiyay in ka badan Saddex milyan oo neef, hadana ay qorsheynayaan in ay sare u qaadaan dhoofinta xoolaha oo sanadkan la gaarsiin doono ku dahawaad Shan Milyan oo neef, maadama ay dalal badan oo ay ka mid yihiin Cumaan iyo Qatar ay diyaar u yihiin in ay qaataan xoolaha Soomaaliya oo dhammeystiray shuruudihii looga baahnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip