Maxkamada gobolka Bari oo xukun iyo ganaax ku ridey nabadoono iyo siyaasiyiin

0
Sunday January 05, 2020 - 17:55:07 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada gobolka Bari oo xukun iyo ganaax ku ridey nabadoono iyo siyaasiyiin

    Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday, siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo nabadoono lagu eedeeyay in ay ku dhaliile

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday, siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo nabadoono lagu eedeeyay in ay ku dhaliileen xukuumadda Puntland heshiisyo maalgeshi oo ay la gashay Imaaraadka Carabta. Maxkamadda ayaa laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo gaaraya $1,000 Dollar ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa saddex bilood ah oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed. Guddoomiyaha Maxkamadda derejada koowaad ayaa sheegay in shanta eedaysane ay ku caddaatay eedaymo ay kamid yihiin kicin-dadweyne iyo sidoo kale aflagaaddo ka dhan ah madaxda Maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip