Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga Milateri ee Lamu

0
Sunday January 05, 2020 - 17:40:20 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga Milateri ee Lamu

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo waaberigii hore ee saaka Al-Shabaab ku qaadeen Xero Milatei oo ku taal deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu. Weerarkan ayaa ku bilowday qarax weyn o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo waaberigii hore ee saaka Al-Shabaab ku qaadeen Xero Milatei oo ku taal deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu. Weerarkan ayaa ku bilowday qarax weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday afaafka hore ee Xerada. Sawirro warbaahinta maxalliga ee Kenya soo bandhigeen ayaa la arkayay uuro iyo qiic cirka isku shareeray, waxaana la sheegayaa in qaraxa xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah deegaanada Gobolka Xeebta ee Lamu. Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in dagaalyahanadooda ay qeyb ka mid ah la wareegeen Xerada, ayna khasaare gaarsiiyeen Ciidamada ku sugan.

Xerada Simba ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Mareykan ah, kuwaasoo tababara Ciidamada Milateriga iyo kuwa Badda ee Kenya.

Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu qeyb ka yahay ololaheeda ay ugu magacdartay Magaalada Qudus lama Yuhuudeynayo, kaddib markii sanad ka hor uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u aqoonsatay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip