Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ku yaalla Gudaha Kenya

0
Sunday January 05, 2020 - 09:23:18 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ku yaalla Gudaha Kenya

    Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka Waaberigii hore waxaa ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya kaga sugan yihiin Xerada SIMBA kuna yaalla deegaanka "Manda Bay" ee gobolka Lamu. Weerarka kadib ayaa waxaa halk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka Waaberigii hore waxaa ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya kaga sugan yihiin Xerada SIMBA kuna yaalla deegaanka "Manda Bay" ee gobolka Lamu. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan saacad ka socdey Saldhiga la weeraray,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ka dhacay Saldhiga la weerarey ay ku geeriyoodeen Askar Kenyan ah sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay Gaadiid kuwa Ciidamada ah oo Xerada yaalley,sida ay sheegeen qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha dalkaas. Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin ee ku yaalla Gobolka lamu,hayeeshee la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan. Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku daabaceen in Saldhigaas ay siwadajir ah ugu wada sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykan Weerarka Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen Saldhig ku yaalla lamu ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii hore la weeraray Afar Bas oo ka yimid Magaalada Mombasa kuna sii jeeday Gobolka lamu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip