Xubnaha ka harey Baarlamaanka Galmudug oo la shaacinayo

0
Sunday January 05, 2020 - 09:21:50 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha ka harey Baarlamaanka Galmudug oo la shaacinayo

    Guddiga farsamadaha iyo dhismaha ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay shaaciyaan magacyada liiska Xubnaha ka harey Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Hoggaanka Ahlusunna ayaa maalin ka hor waxaa ay guddiga ku w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga farsamadaha iyo dhismaha ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay shaaciyaan magacyada liiska Xubnaha ka harey Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Hoggaanka Ahlusunna ayaa maalin ka hor waxaa ay guddiga ku wareejiyeen 20-ka xildhibaan ee Baarlamaanka laga siiyey,waxana Guddiga ay maanta shaacinayaan 69 Xubnood ee harey. Shalay oo Sabti aheyd ayaa qorshuu ahaa in Guddiga ay ku dhawaaqaan Xildhibaannada balse ay gudiga sheegeen inay soo wajaheen caqabado lagana gudbey. Ra'iisul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali kheyre iyo Wasirka Arrimaah gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa ay ku wada sugan yihin Dhuusamareeb,iyaga oo halkaas u jooga dardar gelinta howlaha dhismaha Galmudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii Galmudug ee waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatey ayaa kasoo horjeetay howlaha dowladda ay ka wado dhuusamareeb,isaga oo Magacaabey guddi doorasho kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip