AFRICOM oo war cusub ka soo saartay duqeyntii ka dhacday gobolka Sh/Hoose

0
Saturday January 04, 2020 - 19:26:54 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFRICOM oo war cusub ka soo saartay duqeyntii ka dhacday gobolka Sh/Hoose

    Taliska Africom ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn ay shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose. Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada Afgooye lala beegsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Africom ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn ay shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose. Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada Afgooye lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Soomaaliya khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Africom ayaa xaqiijisay in ugu yaraan saddex ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi, iyadoo shaacisay inay jirin waxyeelo ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Mareykanka ee ah inuu duqeyntaan kaga dilay saddex xubnood.

Waa duqeyntii ugu horreysay oo uu Mareykanka sanadkaan cusub ee 2020-ka ka fuliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan saraakiisha dowladda ay shaaciyeen in Sh/ Hoose ay ku dileen ugu yaraan 30 ka tirsanaa kooxdaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip