Miisaaniyadda 2020: Waa sidee qoondada mushaaraadka ee Grade A, B, C iyo D?
Grade A: Waxay miisaaniyadda 2020 ku leeyihiin $22,482,180, taas oo ka badan xataa marka la isugeeyo tirada lacagta ku soo aadeysa shaqaalaha B iyo C.
Grade B: oo tiro ahaan ka kooban 1,401 waxaa loo qoondeeyey mushaar dhan: $7,021,800.
Grace C: oo tiro ahaan gaaraya 1012 waxay heli-doonaan $4,043,160.
Grade D: oo tiradu tahay 489 iyagu mushaarkoodu waa 1,278,496.
Waxaa jiro shaqaale kale oo dowladda u qoratey latalin, tababar IWM kuwaas oo gaaraya ilaa 331, laakin sidoo kale waxaa u badan Grade A oo gaaraya (178), lacagta ay mushaar u heli doonaan waa $10.7 million.
Waaxyaha Shaqaalaha:
Shaqaalaha rayidka ee ku jira Fulinta, sharci dejinta iyo qeybo kale oo ay ka mid yihiin xafiisyada Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, xafiiska baarlamaanka, maaliyadda, garsoorka iyo xataa hanti-dhowrka waxay gaarayaan tiro ahaan 2,923 oo weliba 1,392 ay yihiin Grade A, qaataanna mushaarka ugu badan.
Waxaa ku xiga waaxda dhaqaalaha oo ay hoostagaan wasaarado sida Biyaha iyo Tamarta, Isgaarsiinta, Warfaafinta, Dekadaha, ganacsiga waxaa jooga shaqaale dhan 1,733 oo hadan intooda badan waa Grade A.
Qeybta ugu dambeysa waa difaaca iyo amniga oo ah 155 qof iyo qeybta bulshada ee waxbarashada, caafimaadka iyo Sportiga oo ay joogaan 591. Sida caadada ah waxaa u badan kuwa Grade A.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
Miisaaniyadda 2020: Waa sidee qoondada mushaaraadka ee Grade A, B, C iyo D?
Muqdisho (Caasimada Online) –Soomaaliya waa dalka keliya ee dunidan ku yaala ee shaqaalaha rayidka ah ee Grade A-gu ama maamulka ay la egyihiin marka la isku daro tirada shaqaalaha kale ee B, C, iyo D. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka