. Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Suuqii Dayax ee xoolaha (SAWIRRO)

0
Saturday January 04, 2020 - 19:04:46 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    . Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Suuqii Dayax ee xoolaha (SAWIRRO)

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.

Dhagax dhiga kadib ayaa gudoomiyaha waxa uu kormeeray qeybaha uu suuqaani ku fadhiyo oo ah dhulbaaxad weyn waxaana horey lagu iibin jiray xoolaha kala duwan inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

Agaasimaha Suuqyada gobolka Banaadir Maxamed Macalin Dhicisow ayaa faah faahin ka bixiyay baaxada uu suuqani ku fadhiyo iyo marxaladiihii uu soo maray.

Agaasimaha guud ee waaxda howlaha guud Cabdullaahi Axmed Muuse (Caraaye) waxa uu ka hadlay ahmiyada uu suuqani lee yahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaa shadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aas aasiga ah.

Dhanka kale waxa uu duqa magaalada Muqdisho sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay caqabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socodkeeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulka mammuuci doonaa in meel aan Suuqani aheyn aan lagu iibin doonin xoolaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip