Ilhan Omar oo golaha Congress ugu baaqday inay joojiyaan in Maraykanku dagaal la galo Iran

0
Saturday January 04, 2020 - 18:35:21 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhan Omar oo golaha Congress ugu baaqday inay joojiyaan in Maraykanku dagaal la galo Iran

    Xildhibaan Ilhan Omar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota, ayaa kasoo horjeesatay in Maraynku dagaal la galo dalka Iiran. Hadalkeeda ayaa daba socday kadib markii Maraykanku duqayn cirka oo ka dhacday Baqdaad uu ku dilay Madaxii i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ilhan Omar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota, ayaa kasoo horjeesatay in Maraynku dagaal la galo dalka Iiran. Hadalkeeda ayaa daba socday kadib markii Maraykanku duqayn cirka oo ka dhacday Baqdaad uu ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis. Ilhan Omar ayaa golaheeda Congress-ka ka dalbatay inay joojiyaan qorshaha Trump uu ku doonayo in dagaal lagu qaado dalka Iran. "Waxaan u baahanahay cod kasta si kor loogu qaado oo aan ka dalbano in Congress-ka uu ka joojiyo Trump inuu bilaabo musiibo dagaal uu la galo Iran," ayay tidhi Ilhan.
Kadib markii hadalkaan ay kusoo qortay baraheeda internetka sida Facebook iyo Twitterka, waxay jawaabo caro leh kala kulantay dad Ameerikaan ah oo ka xumaaday hadalkeeda.

Qaar ayaa sheegay inay ku farxi lahaayeen in Ilhan Omar laga saaro Maraykanka laguna celiyo Soomaaliya, sidoo kale kuwa ayaa ku eedeeyay inay taageerto arggixisada oo ay neceb tahay Maraykanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip