Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo Boosaaso lagu dilay

0
Saturday January 04, 2020 - 18:33:31 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo Boosaaso lagu dilay

    Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana dilkaasi gaystay dabley hubaysan. Dilka ayaa waxaa loo gaystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland, xilli uu ku sugnaay Magaalada gudaheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana dilkaasi gaystay dabley hubaysan. Dilka ayaa waxaa loo gaystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland, xilli uu ku sugnaay Magaalada gudaheeda. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cige Ducaale oo ku magac dheeraa (Cige Ducaale), waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaas.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi loo gaystay Sarkaalkaas ka tirsanaay Ciidamada Maamulka Puntland ee Boosaaso lagu dilay.

Amniyaadka Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka gaystaan Magaalada Boosaaso, waxaana ay beegsadaan xubnaha u shaqeeya Maamulka.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa in saaka hawlgal ay ka wadaan Magaalada Boosaaso, kaasi oo ay ku baadigoobayaan dadka dilalka ka gaysta Magaalada gudaheeda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip