Maxaa kulmiyay isbedelka Xaaf iyo warqada hantidhowrka?

0
Saturday January 04, 2020 - 18:27:53 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kulmiyay isbedelka Xaaf iyo warqada hantidhowrka?

    Xafiiska Hantidhowraha guud ee Soomaaliya ayaa faafiyay warqad labo todobaad ka hor kasoo baxday oo lagu codsanayay in la hakiyo qarash bixinta Galmudug, taasoo loo diray wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xisaabiyaha guud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Hantidhowraha guud ee Soomaaliya ayaa faafiyay warqad labo todobaad ka hor kasoo baxday oo lagu codsanayay in la hakiyo qarash bixinta Galmudug, taasoo loo diray wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xisaabiyaha guud.


Warqadaan ayaa kusoo beegantay, markii madaxweynihii Galmudug, Axmed Geelle Xaaf, uu badelay mowqifkiisii ahaa inuu ka tanaasulay arrimaha Galmudug, balse uu xalay ku dhawaaqay inuu lasoo laabtay taladii uu ku wareejiyay dowladda federalka.


Hiiraan Online waxay ogaatay in dowladda federalka aqbashay codsiga hantidhowraha oo ay joojisay lacago madaxda Galmudug qaadan jireen oo aan sifo sharci mari jirin, balse waxaan la joojinin mushaaradka Shaqaalaha Rayidka ee maamulka Galmudug iyo qarashaadka ku baxa Raashinka Ciidamadda.

Xildhibaanimo kamid ah barlamaanka oo kasoo jeeda Galmudg ayaa toosh ku shiday arrintaan waxayna madaxweyne Xaaf ku dhalleeceeyeen in isagoo bannaanka ka istaagay arrimaha Galmudug uu qaadan jiray qarashaad loogu talo galay in loogu shaqeeyo Galmudug.


xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip