WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIME S DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Tuesday September 29, 2015 - 08:42:41 in Wararka by
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIME S DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    BAN KI-MOON: HADDII AAN GACMAHA IS-QABSANO WAXAAN GAARI KARNAA AHDAAF AAN XAD LAHAYN Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay, Ban Ki-moon oo Maanta ka Hadlayay Shi rkii 70-aad ee QM ayaa ka Dalbaday Dala lka Caalamka inay sameeyaan dadaallo Wad ajir ah oo lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAN KI-MOON: HADDII AAN GACMAHA IS-QABSANO WAXAAN GAARI KARNAA AHDAAF AAN XAD LAHAYN Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay, Ban Ki-moon oo Maanta ka Hadlayay Shi rkii 70-aad ee QM ayaa ka Dalbaday Dala lka Caalamka inay sameeyaan dadaallo Wad ajir ah oo loo ga Miro-dhalin karo ujeedooy inkii ay horay loo saxiixay oo ay ka mid yih iin; In Caalamka laga Cirib-tiro Saboolni mada iyo in Dunida oo dhan laga Hirgeliyo Mustaqbal Waara. Ban Ki-Moon ayaa Xusay in Haddii Gacmaha la is-qabsado aysan xad yeelan doonin Wax-yabaaha ay dunidu hanan karto, isla markaana lagu guuleysan karo uj eeddooyinka guud ee caalamka oo dhan uu doonayo inay natiijo wanaagsan ka gaaraan. "Ujeeddooyinkeennu waa cad yihiin. Hadafkeennuna waa suuro-gal. Waxaanan doonayno waa inaan caalam ka oo dhan ka ciribtirno saboolnimada marka aynu gaarno sanadka 2030-ka, si aan u helno nolol nabadgalyo iyo sharaf leh,” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Sidoo kale, Ki moon ayaa hoosta ka xar iiqay in Shirweynaha Qaramada Midoobay ee ay u Fadhiyaan Caalamka oo dhan Go’aanno Cad-cad looga gaarayo sidii loo Suuro-gelin lahaa ujeeddooyinka la doo nayo in Sannadka 2030-ka la gaaro, kuw aasoo ay ka mid yihiin 17-qorshe oo xu dun u ah Himilooyinka wax ku ool ah ee Salka ku haya Horumarka Waara oo uu Caal amka Gaaro.

"Waxaanu ku Xisaabtamayno hadda waa ballamada ku qoran Warqadaha oo aan doonayno inaan u bedelno ficil. Waa inaan wax ka qabanno barakaca shac ab ka caalamka qaarkood oo dalalkooda uga cararaya colaadaha,” ayuu Ban Ki-moon mar kale yiri. Xoghayaha Guud ee QM ay aa intaa raaciyay. "Waxaan isugu nimid Shirweynahaan 70-aad ee QM inaan dib u eegis ku sameyno Shar ciyada inoo yaalla, isla markaana aan Maqalnaa Codadka shacabkeenna. Taas ina waa Tan keliya ee aan ku Noqon karno Wakiillo dhab ah, isla markaana aan gaano fursadaha nagu hareeraysan.”

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay ayaa khudbaddii sanad laha ahayd ee uu jeediyay ku sheegay in boq olaal milyan oo qof ay xilligan ku haysta an caalamka oo dhan xaalado bani’aadam nimo, sidoo kalena 60-milyan oo qof oo ka lena lagu qasbay inay dalalkooda ka car araan.

"Hay’adaha Gargaarka ee QM ayaa codsadeen 20-bilyan oo Doollar si ay wax uga qabtaan xaaladaha bani’aadamnimo ee Caalamka ka jira; laakiin dhaqaal ahaas oo dhan lama helin. Waxayna Hay’adaha QM iyo kuwa kale ee la shaqe eya ay weli diyaar u yihiin inay dadka dhibaateysan ca awiyaan. Dalalka Deeq aha bixiyana Wax aa ka Codsanayaa inay Gacan ka geys taan dhibaatooyinka haysta bulshada caal amka ku nool,” ayuu hadalkiisa ku daray Ban Ki-Moon.

Ugu dambeyn, Wuxuu ugu baaqay Wa ddamada Calaamka inay gacan ka geys taan sidii loo yareyn lahaa silica haysta shacabka ka barakacay waddamad ooda iyo kuwa kale ee ay weli Dhibaatadu ku Haystaan Dalalkooda, Sida; Ciraaq, Yemen, Siiriya, South Sudan, Gambia iyo kuwo kale, waddamadaasoo shantii cunug oo kasta uu mid ka mid ah Xanuuns anayo.

WASAARADDA BEERAHA XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO KA WARBIXISAY

Ku simaha wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha XFS Md. Cabdicasiis Saalax Carmaan oo shalay xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin ka bixi yay waxqabadka wasaaradda todobadii bilood ee ay xafiiska joogeen isaga iyo wasiirka wasaaradaas Axmed Xasan Gaboobe.

Mr Carmaan ayaa waxaa uu sharaxay dadaalada wasaaradu ku bix isay kobcinta iyo garab istaaga beeraleyda sidoo kale wax ka qabash ada fatahaadaha gobolada qaar ka dhaca xiliyada roobka taas oo uu sheegay in hadda ka dib aysan dhici doonin sida qorshuhu yahay.

Ku simaha wasiirka ayaa waxaa uu xusay in wasaaradu ay talaabo horay u qaaday todobadii bilood hadana qorshaha dhaw ee wasaarada uu yahay in dib u dhis lagu sameeyo xaruntii wasaaradda beeraha iyo xarumo kale sidoo kalena la tayeeyo shaqaalaha wasaaradda.

"Waxa ugu horeeya ee hadda noo qorsheysan waxaa waaye in xar untii wasaaradda aan dayactirno si wasaaradu ugu shaqeyso waayo hadda ciriiri ayaan ku shaqeynaa ani ahaan gadaal ayaan ka riixaa ari ntaas dowladdaImaaraadka ayaa noo balan qaaday in ay noo dhise yso” ayuu yiri wasiirka .

Cabdicasiis Saalax Carmaan wasiir ku xigeenka wasaaradda beera ha ayaa dhanka kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan ENG -yo gacanta kula jira shaqada wasaarada ee la xiriira dhanka beeraha waxaana uu baaq ah in ay ka waantoobaan u diray hay’adahaas.

"Runtii waxaa jira ENG-yo shaqadii wasaarada faraha kula jira dho wr jeerna waan uga dignay in ay joojiyaan shaqadaas hadda waxaan anoo ka faa,iideysanaya fursadaan baaq dheer ku leeyahay ka waanto oba howshaas oo iska soo diiwaan galiya wasaaradda”ayuu yiri Carm aan. Wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahayd xili wasaaradaha ugu wax soo saarka badan dalka xarumo badana ku lahayd dalka qaybo badan oo ka mid ah ayaa hadda ku shaqeysa xarunta wasaaradda Ganacsiga waxaana ay ka mid tahay wasaarado badan oo bur burkii saameeyay walina aan ka soo kabsan in kastoo dadaalku uu socdo.

DUKUMIINTIYO XAQIIJINAAYA IN WALI UU NOOLYAHAY USAAMA BIN Wargeyska Moscow Tribune ee kasoo baxa dalka Ruushka ay aa aad u hadal hayo Sir uu faafiyay Sargaalkii kasoo goostay Sir doonka Mareykanka ee loogu magac daray Edward Snowden.

Edward Snowden ayaa sheegay in Wali uu noolyahay Hog aamiyihii Al-qaacida Usama Bin laadin islamarkaana lagu ilaaliyo Deegaan nabdoon oo ku yaala Mareykanka. Goobta uu sheegay ee lagu hayo Usaama ayuu ku tilmaamay goob amaankeeda uu si adag u adkeeyay Mareykanka oo ah Jaziirad ku taal dalkaasi oo lagu magacaabo (Bahamas) Ayna ilaalo ka hayaan ciidamo CIA ah.

Sargaalkaani baxsadka ka ah Dowlada Mareykanka ayaa ho ray u baahiyay siro badan oo Dowlada Mareykanka ku dhageysa naayo Telefoonada Madaxda EU iyo Madaxweynayaal uu si ga ar ah dhaqdhaqaaqoda ula socday Mareykanka. Dadka ayaa si aad ah ula yaaban nuuca uu noqon karo xiriirka ka dhaxeeya Ma reeykanka iyo Osama oo dad badani aaminsanyihiin ilaa iyo hadda inuu ahaa Cadawga kaliya ee Mareykanka.

Snowden ayaa sheegay inuu hayo cadeeymo 100% oo muuj inaya inuu noolyahay Usama Bin Laden, isla markaasina uu 100% Caafimaad qabo uuna ku raaxeeysanayo Jaziirada Bah amas, ayna ilaalinayaan ciidamo gaar ah oo katirsan CIA-da.

Edward Snowden oo hadda ku nool magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Moscow Trib une, waxa uu sheegay inuu haayo cadeeyo muujinaya wakaal ada sirdoonka Mareeykanka oo dhaqaale xoogan Xawaalado u marsiineysa dhinacyo taabacsan Bin Laden, Snowden ayaa sheegay sidoo kale inuu kamid ahaa shaqsiyaadkii diyaariyay dil been abuur ah oo lagu qaarijinayay hogaamiyaha Alqacida.

Snowden ayaa ballan qaaday inuu dhawaan soo bandhigi doono Buug ka hadlaya xaqiiqda la xiriirta dilka Usama Bin Laden.

TALISKA AMISOM OO XAQIIJISAY IN ASKARI KA TIRSAN CIIDANKO ODA UU TOOGTAY WIIL KUBAD CIYAARAYAY

Taliska Guud ee AMISOM ayaa xaqiij iyay in Askari ka tirsan Ciidamadooda uu ku Toogtay Shalay Gellinkii dambe Wiil Ku bad ku Ciyaarayay Agagaarka Gar oonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.

Afhayeenka AMISOM, Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in baaritaan ay ku haya an Qaabka uu u dhacay Falkan Dilka ah ee uu Geystay Askariga Ciidamado oda ka Tir san ee ku Sugan Saldhigga ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda ee Muqdisho.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu xusay in warka uu hayo uu yahay in Wiilku uu ku cararay difaacyada ciidamada AMISOM, Isla markaana uu Askariga dilka Geystay mooday khatar kusoo wajahan, sidaasna uu ku dilkani ku dhacay.

"Waxaan hayaan macluumaad ku saab san in Askari ka tirsan Ciidamadeenna uu toogasho ku dilay qof kusoo ordaya dhin ca difaacaydda ciidanka, kaddibna Askri meesha ka dhawaa uu toogtay, kaasoo u qaatay khatar kusoo wajahan, balse waxa an raadinaynaa macluumaad intaas ka ba dan,” ayuu yiri Paul Njuguna.

Afhayeenka AMISOM oo u Warramay ay Warbaahinta Muqdisho Qaar keeday aa waxaa la weydiiyay waxa ka jira in wiilk aan la dilay uu ka mid ahaa Dhallinyaro ku bad ciyaarayay oo banoonigii ay ku ciyaar ayeen uu difaaca ciida mada uga dhacay, uuna doonayay inuu kubadda kasoo qa ato halkaas, ayaa ku jawaabay.

"Runtii hadda waxaan raadinaynaa wa rbixinno sax ah, waana muhiim in xogta ehellada ay sheegayaan ay si rasmi ah u helno, tan kale waxaa la ii sheegay saaka in Qaybta AMISOM u Qaabilsan Waxyeell ada Shacabka loo Geysto lagu War-geliy ay ArrintaanTaasina Waan tallaabo muhii m ah.”

Afhayeenka AMISOM, Col. Paul Njugu na ayaa sheegay in marna aysan raalli ka ahayn in Dhibaato loo Geysto Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Wax Walba la kala Caddeyn doono Baaritaanka ka dib. "Waxaan rabaa inaan cadde eyo in AMISOM aysan Raali ka noqon doonin in dad shacab ah si mas’uuliyad daro ah loo dilo, AMISOM ma ogolaanayso inay taasi ay dhacdo, sidaa awgeed arrinta mas’uul iyad ayaan iska saaraynaa, waana la ba ari doonaa. Waxaan furnay Shabakad ay Shacabka Soomaaliyeed noogu soo Gu dbin karaan Wixii Cabasho ah oo ay qaba an iyo Macluumaadka ku aaddan Dadka laga dilay,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka AMISOM.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ay aa dhowr jeer oo hore waxay Muqdisho iyo Qaybo ka mid ah Gobollada Soomaal iya ku dileen Shacab aan Waxba galabsa n, iyadoo aanay jirin mag-dhow illaa had da laga bixiyay.

JOWHAR OO DIYAAR GAROW UGU JIRTA MARTI GELINTA SHIRKA MAAMUL U SAME YNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Maamulka G/Sh/ Dhexe ayaa ku guda ji ra diyaar garow ballaaran oo ku aadan marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dho waan lagu wado inuu bilowdo.

Xarun loogu tala galay in lagu qabto shir ka maamul u sameynta iyo guryo la dejina yo martida iyo wafuuda ayaa lagu diyaariy ay magaalada, iyadoo diyaar garowgan uu yahay mid si xowli ah u socda.

Hoolkan Shirarka loogu tala galay ayaa markiiba waxaa uu qaadaa ku dhowaad la bo kun oo ruux, waana howl aad u ballaa ran oo wali diyaarintiisu socoto, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la qalabeeyo. Guddoomiy aha Gobolka Shab eellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa shee gay in shac abka Jowhar ay u diyaar garoo been soo dhoweynta martida imaaneysa magaal ada, isagoo xusay in magaalada ay horay caan ugu aheyd marti-soorka wa fuuda, isla markaana sanadkii 2005-tii mar ti gelisay dowladdii KMG aheyd.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shee gay in maamulkiisa isu diyaarinayo wax walba oo la xiriira howlaha maamul u sam eynta, waxaana uu tilmaamay in amniga magaalada Jowhar uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana uu jiro wada shaqeyn ka dhaxeysa shacabka iyo Ciida mada ammaanka.

Inkastoo aan wali la cayiman halka la gu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhe xe, hadana magaalooyinka Beledweyn iyo Jowhar ayaa ah kuwo diyara garow ugu jira marti gelinta shirka.

Diyaar garowga uu ugu jiro Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe marti gelinta shirka maamul u sameynta labada Gobol ayaa aad looga dareemay magaalada, wa xaana ka socda magaalada olole nadaaf adeed. Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa hadal hayay dar darta cusub ee uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaar garowga ballaaran ee uu ugu jiro marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO UGU BAAQAY AHLUSUNA INAY WADA HADAL LA GALAAN MAAMULKIISA

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay dib ugu laabtay degmada Cadaado ayaa mar kale wada hadal ugu baaqay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca.

Madaxweynaha Galmudug oo maal mihii la soo dhaafay ku sugnaa magaala da Muqdisho ayaa sheegay in maamulkii sa uu diyaar u yahay inuu ku qanciyo Ahlusuna wax kasta oo ay ka tabanayaan.

"Waxaan rabaa inaan baaq Nabadeed u diro Ahlusunna Wal-jameeca, taasoo ah inay Ajiibaan Wad ahadalka Dowladda iyo Maamulka Galmudug si horumar loo ga aro”ayuu yiri Madaxweyne C/kariin Xuse en Guuleed Ayuu yiri Madaxwe yne Cabd ikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo ba ahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah la gu dhameeyo wada hadal, isagoo xusay in maamulkiisa uu yahay maamul dib u heshiisiin. Ahlusuna Wal-jameeca oo gac anta ku haysa xarunta Gobolka Galgadu ud ee Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana dhinacoo da ay Madaxweyne ku doorteen Dhuusa Mareeb.Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jir ay xiisado dagaal oo u dhaxeey ay labada dhinac, waxaana dhowaan dagaal ka dha cay Caabudwaaq uu ku dhexmaray Ciid amo kala taabacsan Ahlu suna iyo Galmu dug.

SIMINAAR KU SAABSAN AMMAANKA OO NAYROOBI UGA FURMAY SUXUFIYIIN KA SOCDA SOMALIA IYO ITOOBIYA

Waxaa Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya shalay ka furmay Siminaar ku Saa bsan Amaanka Saxafiga oo ay ka Qayb-galayaan wariyayaal ka kala socdo Dala lka ku yaallo Bariga Afrika, sida Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaana aqoon kororsig aan oo socon doono mudo isbuuc ah soo qaban qaabisay Hay’adda IREX. Iyadoo casharadana ay bixinayaan Macallimiin ka tirsan hay’adda Warbaahinta Kenya ee Standard Group.

Tababarka ayaa inta uu socdo waxaa lagu baran doonaa casharo la xiriira sida suxufiyiintu ay oga shaqeyn karaan gooba ha colaaduhu ay ka jiraan, isla markaasna ay gar gaar dag-dag ah ugu sameyn kar aan haddii uu dhaawac ama waxyeelo ay soo gaarto saxafiga kale ee la shaqeyn aayo.

Ka hortaga isku’dayga Waxyeelleynta iyo Baabbi'inta Xogtaada ee Weerarka Int ernet-ka, ayaa Qayb ka ah Waxyaabaha lagu baran doono Aqoon-kororsig aan. Wa xaana Sidoo kale Wariyayaashu ay baran doonaan sida ugu fudud ee ay uu isticm aali karaan Aalladdaha Digital-ka iyo agab yada kala duwan ee Warbaahinta.

Mahad Cumar Diiriye oo ah xoghayaha guud ee Ururka SEJNAS ayaa sheeg ay in ahmiyad weyn uu Tababarkaan u leeyah ay Wariyayaasha, isagoona sheegay in ha y’addoodu ay ku dadaali doonto sidii Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay u heli lahaa yeen aqoon-kororsiyo badan.

"Ka SEJNAS ahaan waxaan mar kasto xil iska saaraynaa inaan la dagaalano aqoon darada Wariyayaasha, Waxaana Tababarkaan loogu tala-galay in ay ka Fa a’iidestaan Saxafiyiinta bariga Afrika” ayuu yiri Xog-hayaha guud ee SEJNAS.

Dhanka kale, Ubax C/nuu Cismaan (Ubax Sagal) oo kamid ah wariyayaasha Sooma aliyeed ee ka Qayb-galaaya Siminnaarka an, ayaa HOL u sheegtay in ay aad ugu Faraxsan tahay ka Qayb-galka Aqoonkor orsigan, iyadoo Tibaaxday in ay faa’iidooy in badan oo dhanka mih-nadeedda ay ka heli doonto.

Si kasta ha ahaatee Magaalada Nayr oobi ee caasimada wadanka Kenya, ay aa waxaa ku nool Wariyayaal badan oo ka soo cararay Dhibaatooyinka ka jiro Wadda madooda oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan oo horay loogu wax yeeleeyay Saxafiyiin badan. Waxaana wariyayaashaas ay sheegeen iney u baahan tababaro badan oo ay kor ugu qaadaan aqoontooda Saxaafadeed.

DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII TODOBA ADKII HORE OO LOO QAADAY IMAARAADKA CARABTA

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii todoba adkii hore ka dhacay albaabka laga galo Madaxtooyada ayaa shalay loo qaaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, si halkaas loogu daaweeyo. Dhaawacyadan oo ah 12 ruux, kuwaasoo xaaladooda wax looga qaban waayay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sagootiyay Was iiro ka tirsan Xukuu madda iyo Taliyaha Booliska Wasiirka Caafima ad ka Xaa wo Xasan Maxam ed ayaa she egtay in dhaawacya dan loo qaaday Imaar aad ka Carabta ay yihiin kuwii ugu darnaa ee ku dhaawacm ay qaraxii ka dhacay koontaroolka hore ee laga galo Madaxtooyada. Taliyaha Ciidam ada Booliska Soomaaliya Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay uga qeyb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in mar walb ana ay kaalintooda muuqato.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cu mar Maxamed ayaa sheegay in dhaawacy adan ay yihiin dad rayid ah, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, si ay uga hor-tagaan falalka Al-Shabaab ka geysanayaan Muqdisho.

21-kii bishan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar is qarxin ah ku qaad een koontaroolka ugu horeeya ee Mada xtooyada Villa Somalia.

WAXGARAD, CULUMMO IYO CUQAAL KU BA AQAY IN LA JOOJIYO COLAADAHA QORILEY IYO JALAM

Culumada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa Baaq nabadeed u dir tay Dhinacyada ku Dagaallamaya Deega anada Qorilay iyo Jalam oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Nugaal. Mashaa’ikhda Gobolka Sool oo uu ugu horre eyo Sheekh C/naasir Xaaji Axmed ayaa ugu baaqay dadka Walaalhaa ah ee ku Dagaalla maaya Qorilay iyo Tuulo Jalam in si shuru ud la’aan ah ay ku joojiyaan xiisadaha col aadeed ee ka aloosan Deegaannadaas.

Sidoo kale, Culummada ayaa in badan ku Cel-celiyay dhibaatada Colaadaha Had da jira ka dhalan kara ay aad u kordhi kar to haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojin.

Dhanka Culummada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa ku Dhalii lay Oday-Dhaqameedka Dhinacyada ay Colaaddu Dhexmartay inaysan wax Go gol Nabadeed ah u dhigin, Waxayna ku boorriyeen inay u guntadaan sidii colaa dda loo dhameyn lahaa.

Waxaa xusid mudan in muddooyinkii u dambeeyay ya khasaare lixaad leh oo dhi masho iyo dhaawacba leh ay labada dhin ac kasoo gaadheen colaad guun ah oo dib u soo if-baxday Todobaad aynu soo dhaafnay taasi oo lagu jabiyay xa bad joo jin mudo sanad iyo badh dhex taalay beel ahani. Ugu dambeyn, Waxaa jira baaqyo Nabadeed oo Muddooyinkii u dambeeyay loo dirayay labadan beelo od si ay u joojiy aan colaada faraha ka baxday.

GUDDOOMIYIHII GOBOLKA MUDUG EE PUNTLAND OO IS CASILAY

Gudoomiyihii Gobolka Mudug Ee Ma amulka Puntland, C/qaadir Shire Faa rax (Ereg), ayaa shalay ku dhawaaqay in xil kaasi uu iska casilay, isagoo aan wax sabab ihi sheegin. Gudoomiyaha, ayaa sheegay in warqadda istiqaalada uu u gu dbiyay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, xilli uu ku sugan ya hay Waqooyiga Magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha waxa uu bidhaamiyay in muddo shan bilood oo uu xilkaasi haa yay in waxqabad uu la yimid Maamulkiisii, isla-markaana uu ku faraxsan yahay billo ka dib in Xafiiska Shaqada uu isaga taggo.

C/qaadir Shire Faarax, ayaa u mahad celiyay dadkii la soo shaqeeyay mud adii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug, si da wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyen.

Ereg, ayaa iscasilaadiisa ku shaaciyay bo gga uu ku lee yahay Shabakadda Bu lshada Xiriirisa Facebook, waxa uuna baaqi jiyay shir jaraa’id oo uu maanta ku qaban lahaa Magaalada Galkacyo, sababo aan la shaacin awadeed.

GUDDOOMIYAHA DEEGAANKA CEELCADDE OO KU WAXYEELOOBAY QARAX LOOGU DIYAARIYAY HOOYGIISA

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheeg aya qarax miino oo lagu diyaariyay hoo yga deegaanka Ceelcadde uu ka degan yahay Guddoomiyaha deegaankaasi, inuu ku dhaawacmay. Qaraxan oo dhacay shalay barqadii ayaa lala eegtay Guddoomiya ha xilli uu ku sugnaa hoo ygiisa, waxaana soo gaaray Guddoomiyaha Dhaawac.

C/rashiid Cali Cabdi (Qoorleex) ayaa la gu magacaabaa Guddoomiyaha Deegaan ka Ceelcadde ee ku dhaawacmay qaraxa hooygiisa loogu diyaariyay, sida Ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Dhacdo.com.

Lama soo sheegin dad kale oo waxye elo ay ka soo gaartay qaraxaasi uu ku dha awacmay Guddoomiyaha Deegaanka Cee lcadde, waxaana wararka ay inta asi ku darayaan qaraxa inuu ahaa mid culus oo jugtiisa Deegaanka laga maqlay.

Al Shabaab ayaa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan Qaraxan lagu diy aariyay hooyga Guddoomiyaha Deegaanka Ceelc adde C/rashiid Cali Cabdi (Qoorleex).

Deegaanka Ceelcadde, waxa uu 60 KM u jiraa Magaalada Garbahaareey oo ah xa runta Gobolka Gedo, deegankan ciidama da Kenya ee Amisom qaybta ka ah ayaa fariisimo ku leh, iyadoo Xoogaga Shabaab ay soo weeraraan xilliyada qaar.

Xoogaga Shabaab ayaa horay qaraxyo ugu dilay Saraakiil iyo masuuliyiin Dowlad da Federalka Soomaaliya ka tirsan, haye eshe waxaa la isweydiinayaa sida ay Sha baab ugu suuragashay inay hooyga Gud doomiyaha Deegaanka Ceelcadde ay qar axaan geliyaan

XUKUUMADDA BRITAIN OO SHEEGTAY INAY BOQOLAAL CIIDAMMO AH U DIRAYSO DALAL AY KU JIRTO SOOMAALIYA

Xukuuumadda Britain ayaa sheegtay In ay 370-askari ay u dira yso Soomaal iya iyo Koonfurta Suudaan, taasoo qayb ka ah taa geerada ay Britain siiso Afrika. Ra’ii sul Wasaaraha dalka UK, David Cameron ayaa lagu wadaa inuu Hadalkaan ka sheego shir looga hadlayo Arrimaha Somaila oo Maanta ka dhacaya Xa runta QM ee New York, kaasoo ay marti-gelintiisa leeyihiin Ban Ki-Moon iyo Madaxwe ynaha Mare ykanka Barack Obama.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Q/M ayaa la gu wadaa inay Weyd iistaan 50-ka Ma daxweyne oo Caalamka ka socda inay 125,000 oo Askari oo Dheeraad ah ku biiriyaan ciidamada Nabad-ilaalinta ah ee QM ka jooga Caalamka. David Came ron ayaa wariyeyaasha ugu sheegay shalay Mu qdisho in 70-askari oo ka mid ah ciid amadooda ay u diri doona an Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo Caa fimaad, Inji neerro iyo kuwa Qalabeynta oo Caa winaya AMISOM. Wuxuu dhanka kale RW Britain sheegay inuu u dirayo 300 oo as kari Ko onfurta Suud aan oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Inkastoo aanu she egin xilliga ay u dira yaan dalkaas boqo laalkan Askari. "Waxaan filayaa in Britain ay kaalin weyn ka qaadan doonto Tababa ridda, Qalabeynta iyo khirbad ku biirinta Ciidamada. Si daa daraadeed Waxaan do onaynaa ina an horay u Qaadno Tall aa badan aan ku dhawaaqnay inaan qaada yno,” ayuu yiri David Cameron. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Soo ka bash ada Sooma aliya waa arrin wanaa gsan, wa ana arrin u wanaags an Britain. Tani waxay la minco tahay inay dhamaan ayaan tahriibka Argagaxisada iyo Burcad badeedda.”

Britain ayaa waxaa haatan 290-askari oo Nabad-ilaalin ah oo hoos imaanaya QM ay kaga sugan yihiin Qubrus. Iyadoo RW Bri tain uu sheegay inay ka go’an tah ay inay xoojiyaan howlga ladooda Nabad-ilaalineed ee Caalamka. Ugu damb eyn, Ci ida mada ay UK u dirayso dalka Koonfur ta Suudaan ayaa waxay 13,000 oo askari oo ka mid ah ay ka shaqeyn doonaan sidii dad ka shacabka ah loo difaaci lahaa iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dham meynta coladaha sokeye ee dalkaska jira.

HOGGAAMIYIHII SHABAKADAHA TAHRIIBKA LIIBIYA (MA GAFE) OO LA KHAARAJIYAY

Wargeyska The Guardian ee ka soo ba xa dalka Ingiriiska ayaa shaaciyay in la khaarajiyay Salah Al-Maskhout oo ahaa hoggaamiyihii shabakadaha tahriibka ee Soomaalida u taqaano (Ma Gafe), xilli uu ku sugnaa goo bo uu ka baadi goob ayay tahri iba yaal meelo kale ka gela ya dalka Liibiya. Sal ah Al-Mas kho ut ayaa la sheegay in ma alintii Jimca ha uu ku geeriyoo day weerar qorsheysan oo lagu soo qaa day isaga iyo ilaalo la socotay xilli uu ku guda jiray baaritaanada waddooyin cusub oo maalmihii ugu dambeeyay tahriibayaa sha adeegsanayeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 8-ka tirsan ilaalada Ma Gafe, iyadoo dagaalka na uu ka dhacay xuduuda Liibiya iyo Suud aan u dhaxeysa, iyadoo la sheegayo in weerarka ay ka dambeeyeen maleeshiyo hubeysan oo aan la sheegin heybtooda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Talyaani ga ee ku sugan xeebaha Liibiya ayaa she egay in Al-Maskhout uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday, inkasta oo qaraabadi isa ay sheegayaan inuu ka badbaaday we erarkaasi.

Lama oga ilaa iyo iminka in weerarka lagu qaaday Ma Gafe uu qeyb ka yahay weerarada ciidamada la dagaalanka tah riibka ay ka dambeeyeen iyo in kale, hase yeeshee wararku waxay intaasi raacinaya an in weerarkaasi ay ka dambeeyaan mal eeshiyo xiriir la leh ciidamada Badda Mid owga Yurub ee ku sugan xeebaha ku tee dsan biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya.

XOOGAG HUBEYSAN OO WEERARAY KAAWA DA DEGMADA WADAJIR EE GOBOLKA BANAADIR

Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa xilli dambe oo habeen hore ahayd weerar xoogan ku qaaday kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir, xilli Dowladda Turkiga ay dhismo ka wado. Ciidanka Dowladda ee ilaaliya Sha qaalaha Turkiga, ayaa iska caabin xoogan ugala hortagey Xoogagii weerarka soo qa aday, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad in muddo ah socday.

Iska horimaadkan, ayaa ku bilowday gantaalaha garbaha laga gano, oo sida la sheegay qabsaday haamo iyo kunteen aro, iyadoona uu dab qabsaday haamaha iyo kunteenarada.

Xoogagii weerarka soo qaaday, ayaa dib kaga gurtay halkaasi, waxaana adag in faah faahin sax ah laga helo, haddii ay jiraan waxyeelo ka soo kala gaartay laba da dhinac. Rasaastii leesku adeegsaday iska horimaadkaasi, ayaa si weyn looga maqlaayay Magaalada Muqdisho, iyadoo na ay dadku kaga soo tooseen hurdada, rasaasta oo ahayd mid xoogan.

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado kaawada De gmada Wadajir, oo ay soo baxayan warar sheegaya in Dowladda Turkigu, ay ka dhisanayso xero militari. Turkiga waa isha ugu muhiimsan ee taageerada tooska ihi ka hesho Dowladda Federalka Somaliya. Turkigu waxa uu Somaliya ka caawinaya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

ASKARI KU HOWLANAA QAADISTA CANSHUUR TA OO GOOR DHAW LAGU TOOGTAY MUQDISHO

Kooxo hubaysan ayaa shalay ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada Minishiibiya da Dowladda hoose ee qaada canshuur aha Suuqyada. Askariga la dilay, ayaa xi lliga falka dilka uu dhacaayay, wuxuu ku mashquulsanaa aruurinta canshuurta, wa xaana rasaas la dhacay labo ruux oo la sheegay inay ku hubaysnaayeen Bisto olad.

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Sii naay ee Degmada Warta Nabadda, ayaa u sheegay Warbaahinta ragga dilka geys tay inay ahaayeen dhalinyaro, waxaana dhowr xabadood ay ku dhufteen Askarigii qaadayay canshuurta. Dilka markii uu dha cay oo raggii hubaysnaa ay meesha ka ba xsadeen, ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka So maliya oo durba goobta baaritaan ka sameeyay.

Ma jirin ciidamada yimid goobta cid ay meesha ka qabteen, maadaama raggii di lka geystay ay meesha markiiba isaga ta geen, waxaana ciidamada ay meesha ka soo qaaden meydka Askarigii la dilay.

Ciidamada Minishiibiyada Dowladda ho ose ee canshuuraha qaada ayaanan badi aheyn kuwa hubaysan oo iska difaaca ka ra ragga hubaysan ee bartilmaameedka ka dhigta. Al Shabaab ayaa dilal qorshey san ka geysta Magaalada Muqdisho, iyo gobollada dalka qaar ka mid ah

WARARKA CAALMKA

OBAMA OO KA HADLAYA SHIRKA GUUD EE QM

Madaxweyne Barack Obama ayaa khudbadiisa shirka guud ee QM wuxuu kaga hadlay dadaallada Mareykanku uu hormuduka ka yahay ee Bariga Dhexe. Ciidamo Obama ayaa difaacay heshiiskii Nukliyerka Iiraan, isagoo Iraanna u soo qaatay tusaale ahaa, oo uu sheegay in iskaashi caalami ah haddii la helo wax walba la gaari karo.

Madaweynaha Mareykanka aya sidoo kale ka hadlay qalalaashaa Siiriya ka jira, waxana uu ku baaqay baahida loo qabo dadaallo dhowr ah oo milateri oo ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Siiriya, lana raadiyo xal siyaasadeed laga gaaro dhibaatada Siiriya

TALIBAN OO LA WAREEGTAY MAGAALO MUHIIM AH OO KU TAAL WAQOOYIGA AFGHANISTAN

Boqolaal dagaalyahano ka tirsan Taliban ayaa la wareegay magaalada muhiimka ah ee Kunduz oo ku taal waqooyiga Afghanistan, taa soo xuduud la leh dalka Tajakistan.Dagaalyahanada Taliban ayaa dho wr jiho ka weeraray magaa lada, iyagoo qabsaday dhismooyinka dowl adda iyo xabsiga mag aalada. Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliban ay calankooda ka taageen bartamaha magaalada, iyadoo ay qaxeen dadweyne badan.

Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in 25 dagaalyahano ka tirsan Taliban iyo labo boolis inay ku dhinteen dagaalka. Afhaye en u hadlay Booliska Kunduz oo lagu magacaabo Sayed Sawar Husaini ayaa u sheegay BBC-da inay qabsadeen Xabsiga, kana sii daayeen illaa shan boqol maxaabiis ay ku jiraan xubno ka tirsan Taliban. Taliban ayaa tan iyo bishii April waday weeraro ay ku qaada yeen magaaladan, waxa ana ugu dambeyn maanta laga saaray magaalada ciidamadii dowladda Afghanistan.

MARAYKANKA IYO RUUSHKA OO ISKU KHILAAFSAN ARRIMAHA DALKA SIIRIYA

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso wadamada Ruushka iyo Iran sidii loo soo afjari lahaa daga alada sokeeye ee ka dhacaya dalka Siiriya, Hase yeeshee labada dow ladood ee waaweyn ayaa isku khilaafsan sida laga yeelayo Madaxwe ynaha Siiriya Bashar al-Assad.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo shalay ka ha dlayay kulanka Golaha Guud ee QM ayaa ku tilmaamay Madaxwey naha dalka Siiriya Bashar al-Assad in uu yahay macangag isla marka ana ah dambiilaha ugu weyn ee ka mas’uul ah dagaalo sokeeye oo af ar sano ka dhacayay dalka Siiriya kuwaasoo ay labo boqol oo kun ruux ku dhinteen malaayiin kalana guryahooda ay ka carareen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa u she egay kulanka QM. oo ay hogaamiyasha caalamka uu ugaga socdo M. New York inaysan jirin wax kale oo aan ka ahayn in la garab istaago Madaxweyne Assad si loogaga guuleysto ururka IS oo haysta dhul ball aaran oo ku yaal dalka Siiriya iyo wadanka jaarka la ah ee Ciraq.

Khilaafkan ayaa dhaliyay su’aalo ah in Obama iyo Putin ay meel dhe xe isugu iman karaan marka ay ku kulmaan habeenimada Isniinta mag aalada New York. "United States waxa ay diyaar u tahay in ay kala sha qeyso wadan kasta oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Iran sidii xal loog aga gaari lahaa khilaafka,”ayuu yiri Obama, oo qudbada uu ka jeediyay Golaha Guud ay ka horeysay tan Putin. "Laakiin waa inaan garowsa naa ka dib dhiig badan oo daatay iyo xasuuq in aan dib ugu laabano sidii la ahaa dagaalka kahor.”ayuu sii raaciyay Obama.

Obama ayaan si cad u sheegin in Assad la rido balse waxa uu ku tal iyay in la maareeyo qaabkii xukunka uu ugaga degi lahaa, taasoo ah cadeyntii ugu dambeysay ee ah iyadoo Maraykanku cadow u arko hog aamiyaha Siiriya in uu diyaar uyahay in uu talada sii hayo muddo kooban.

Madaxweyne Obama ayaa diiday in taageerida kaligii taliye ay tah ay xalka kaliya ee IS lagula dagaalami karo waxana uu sheegay in caql iyan aysan ahayn in la taageero Macangag sida Assad oo kale kaasoo bambaanooyin waaweyn ku xasuuqay kuna duqeeyay carruur aan wax ba galabsan. Balse Madaxweyne Putin ayaa qaba fikir kale oo uu ka sheegay golaha guud ee QM ."Waxaan filayaa inay tahay qalad weyn in la diido in wax lala wadaago xukuumada Siiriya iyo ciidamadeeda ku waasoo si geesino ay ku jirto si fool ka fool ah ula dagaalamaya argag axisada,”."Waa inaan ugu dambeyntii qirno in cid aan ka ahayn ciida mada M/weyne Assad iyo maleeshiyada Kurdishka ay yihiin kuwa sida dhabta ah ula dagaalamaya Ururka IS iyo ururada kale ee argagaxisa da dalka Siiriya,” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

M/weynaha Faransiiska Francois Hollande iyo R/Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa labadaba diiday suurtogalnimada in uu xukunka sii haysto Madaxweyne Assad. M/weynaha Iran Hassan Rouhani oo qudbad ka jeediyay Golaha Guud ee QM.waxa uu ku eedeeyay Mara ykanka argagaxisanimo gaar ahaan weerarkii Ciraq iyo Afghanistan iyo weliba taageerida Maraykanku uu taageero Israel.

Hassan Rouhani Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u thay inay gacan ka geysato sidii dimuqraadiyada dib ugu soo laaban lahayd wadamada Siiriya iyo Yemen ee ay dagaaladu ka holcayaan. Xigasho:Reuters Waxaa tarjumay Maxamed Caseyr

YAA CAQABAD KU AH XALKA SOOMAALIYA SIDEESE LOOGA GUDBI KARAA..?-

Waxaa la wada ogyahay in dowladaha burburay kaliya ay dib ugusoo laabankaraan 2-wado midood.

1-In dowlad weyn ay farageliso dalkaas ciidama xoog lehna ay hub kadhigis ku sameeyaan kooxaha ku dagaalamaya dalkaas kadibna ciidan qaran loo dhiso hogaanka siyaasadeedna lagu doorto si nabad ah sida dhowr wadan oo african ah ka dhacday oo ay ka mid yihiin leyberiya siralyon.

2-In dadka wadankaas u dhashayu isku tashadaan oo ay iyagu sameestaan awood siyaasadeed iyo mid ciidan oo wadankooda ay ku maamushaan si madaxb anaana arimohooda u xalistaan.

Sheikh-Cali-Wajiis

Hadaba soomaaliya maxaa ka jira oo u gaar ah?

somaliya 2-daas wado midna ma heyso ma helin wadan weyn oo gacan ka siiya xasilinta oo daacad u ah sidii neyjeriya ugu gurmatay wadamada ku yaala gobolkeeda galbeedka africa.

sidoo kale ma helin umad wadankooda u naxaaya oo iy agu dhibta gacmohooda isaga qaada.

Haddaba mexey tahay caqabadaha ku hor gudban in somaliya xal loo helo sideesa loogu heli karaa xal?

Caqabadaha waxaa ugu waaweyn.

A-Qabyaalada oo siyaasiyiinteena qaarkood kala weyn qarani mada gaar ahaan siyaasada wax isu quur la,aanta qabyaala deysan oo ku dhisan cadkaanow waleen ama ku cunay ama ku ciideeyay oo hada kahor nin odaya uu BBCuga gabyay.

welina siyaasaddi noocaaseheed oo dalkaan dowladnimo u diiday ayaa shaqeyneysa.

B- Distuur faasida oo loogu talagalay in wadanku uusan yeelan kala danbeyn oo markasta abuura iska hor,imaad siyaasadeed sida caadada u noqotay dowlada soomaaliya oo wakhti badan uga boxo mooshin iyo isqab qabsi siyaasadeed oo xaqiiqa ahaan ku dhisan in lugta leesku dheganaado oo aan dowlad shaqeysa la helin.

C- Mashaariicda dhaqaala sameynta ku dhisan ee ajaanibta hadey yihiin kuwa isku sheega beesha caalamka oo usoo naqr aacay soomaaliya ama kuwa isku sheega AMISOM oo aaka yaashooda kusoo shaqa doontay marnaba an dooneyn inma shruucoodu dhamaado marka laga reebo ciidamada hiil walaal ee jabuuti oo iyagu doonaaya iney walaalohood gar gaaraan ayna ka muuqato meesha ay joogaan ee HIIRAAN oo aysan dhicin iney baneeyaan meel ay cadawga kala wareegen mar hore sida ceebta ka socota shabeelada hoose.

D- Kooxda argagixisada ah oo magaca diinka ka been sheegay una jooga wadanka iney cadawga shisheeye u nugleeyaan kaliya oo noqday riibi geedahana ma daaqo lagamana daaqo.

E- Shakhsiyaad siyaasada ka ganacsada oo isugu jira xildhiba ano iyo madaxgoboleedyo iyo kuwa kale oo aan dareen wadan iya leheyn balsa hamigoodu uu yahay kaliya iney lacag ka same eyaan ku dhex jirka siyaasada inta badana la qaxweesta shishe eyaha oo wixii ay shisheeyuhu aysan cadeysa karin iyaga loo soo maro markastana la howl geliyo xiliyada kala guurka oo la doonaayo in ajandayaal qarsoonaay la diyaariyo fulintooda iyo in dowladnimada soomaaliya ineysan dhaweyn si caalamka loogu muujiyo ayaa markasta loo abuuraa buuq siyaasadeed.

F- Dad mas,uuliyaddii dowladda u haayeen iney lacag ku aruur sadaan kaliya in loogu dhiibay xilka aadba moodo iyo inaan aakh iraba jirin iyo xisaabteeda midna waana waxa dibu dhaca iyo horumar la,aanta keenay.

Hadaba hadii intaasoo caqabada ah ay wadankaan heestaan sideebaa looga gudbi karaa?

Runti dhibaata kasta wexey leedahay jid loo maro xalkeeda hadii jid kale la marana wiligeed lahelimaayo xalka.

Haddaba xalku woxow ku jiraa arimahaan inshaa allaah.

1-In umadu ay ogaato in sharaftu ey ku jirto dowladnimo kaliya oo aysan ku jirin qabyaalad iyo caadifad qabiil loo haayo si taas loo gaarana waa in la xoojiyaa dowladnimada iyadoon la fiirineyn hadba qofka markaas xilka madaxweyne ama raisul wasaaraha ah amaba wasiirka balsa la fiirinaayo heykalka dowladnimada oo asagu markasta jiraaya qofwalbana maalin kusoo tilaabsanaayo oo aan qofna leheyn.

waana in la ogaadaa in qaacido amaba suna ilaah ay tahay in qofku waxa uu la deg dego loo diido oo uusan calfan maanta waxaa ugu jaanis xun siyaasada kuwa colaad,afxumo,qabyaalad iyo qof ama qoys neceyb wax ku raadinaaya marnaba lagama ayaabo iney weligood gaaraan yoolkooda waayoo kuwa ay colaadinaayaan ayaan marnaba aqbaleyn iyaguna iney talo u dhiibtaan amaba ay kula shaqeeyaan marka waa ijiidaan ku jiidee.

2-In dadka dowladnimada soomaaliyeed aaminsanay isku xirmaan xoojiyaana sharciyada dowladnimo iyo hogaanka umada una dhabar adeegan caqabadaha loo dhigayo dejiyaana siyaasad degan oo ay uga agudbaan.

3- Dowladu waa iney xoojisaa dhismaha ciidamada qaran iyadoo jaanis wanaagsan siineysa saraakiisha amaba hogaanka cusub ee ciidanka oo runtii la dhihi karo waxaa ilaahey waafajiyay madaxweynaha iyo xukuumada rag xul ah oo hanankara majaraha ciidanka soomaaliyeed ee xooga dalka talada wadankana gacanta dowlada kusoo celi kara.

4- Waa in la dedejiyaa dhismaha 2-da maamul goboleed ee harsan dowladuna ka qaadaa taakada dadka u dhashay deegaanadaasna waa iney ku daysadaan walaalohood reer baydhabo iyo reer cadaado oo ay hurdada ka kacaan si loo helo maamulla dhameestiran oo amaanka dalka midkastaba deegaankiisa gacanta dowladda soo geliyo siloo helo 2016 dowlad soomaaliyeed oo kaligeed dalka xukunta.

laakin waxaa ah wax aan la qaadan ka dowlad xataa aan 2-dii shabeele aan gacanta ku heyn sida ay u heleyso sharciyad dhameestiran..

5- Waa in loo howl galaa sidii loo bedeli lahaay baarlamaanka hadda jira oo runtii ah intiisa badan caqabada ugu weyn ee dalkaan heysata waayoo woxow ku fashilmay inuu xataa distuurkii dalka soxo oo uu ku dhisnaay.

wexey ku fashilmeen iney deegaanadoodii ay methelaayeen ay abaabulaan sidii dowladdu ula wareegi leheed oo loo xureyn lahaay wexey ku fashilmeen iney wadankaan shisheeyaha u afduuban ineysan usii nugleyn cadawga taas bedelkeedana wexey aadeen iney ka shaqeeyaan in dalka qas siyaasadeed la geliyo si ay shisheeyaha ugu fududaato iney ajandohooda miiska la yimaadaan.

Haddaba si dhibtaas looga boxo waa in la dedejiyaa dhismaha iyo taageerada maamulada dowlad goboleedyada si baarlamaan deegaan oo dad methelaaya loo helo 2016 ka.

6- In ganacsatada soomaaliyeed iyo dadka dibadda aaday oo ka shaqesta waa in la xoojiyaa nabadgelyada dalka loona aruuriyaa dhaqaale lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada qalabka sida.

waana in shacabku ogaadaa in aan cidina dalkaaga iyo dowladnimadaada dhiseyn ee waa inaan anagu isku tashanaa waana inaan ogaanaa in dhaqaalaha haddaan loo helin nabad iyo dowladnimo inowsan caga ku taagneyn haddaba qofkasta haduu ku bixiyo 5% xoolihiisa qaranka soomaaliyeed deg deg ayuu ku istaagaayaa.

7- Waa in umadu ilaahey usoo laabato oo xarigiisa la wada qabsado lana ogaado sacaadada adduun iyo tan aakhiro iney ku jirto diinta alle oo lagu dhego laguna dhaqmo waana in arinkaas loo wada guntadaa.

Ilaahey waxaan ka abaryeynaa inow axwaasheena noo hagaajiyo dadkeenana quluubtooda isusoo dumo dowladnimad ana noo adkeeyo aamiin.NB: Walaal wixii ku biirin ah amaba toosin ah ku soo dir

WQ: SHEEKH CALI WAJIIS 


Caliwajiis@hotmail.com, ama watsap and vebar 00252612222250 mahadsanidiin

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip