"Maxaa Diidaya?" – Cristiano Ronaldo Oo U Furan Fekerka Ah Inuu Noqdo Jilaa Kubada Cagta Ka Dib.

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:36:10 in Sports News by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxaa Diidaya?" – Cristiano Ronaldo Oo U Furan Fekerka Ah Inuu Noqdo Jilaa Kubada Cagta Ka Dib.

    Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono inuu noqdo jilaa marka waayihiisa ciyaareed uu soo dhamaado. Xiddiga reer Portugal ayaa sannadkii hore soo saaray filim isaga laga sameeyay oo loogu magacdaray 'Ronaldo�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono inuu noqdo jilaa marka waayihiisa ciyaareed uu soo dhamaado. Xiddiga reer Portugal ayaa sannadkii hore soo saaray filim isaga laga sameeyay oo loogu magacdaray 'Ronaldo' waxaana uu sheegay inuu ka fiirsan doono inuu raaco wadadii ay hore u mareen Eric Cantona iyo Vinnie Jones kuwaasoo kubada cagta ka dib u hayaamay Hollywood.

"Waan jeclaan lahaa inaan wax ka barto jilaayaal fiican sababtoo ah markaas kaliya ayaan waxbaran karaa madaama ay tahay meel aanan koontarool ku laheyd iyadoo aysan wax xiriir ah la laheyn kubada cagta.” ayuu Ronaldo u sheegay Sacoor Brothers.

cristianoronaldo-cropped_5uzha6qh9y7k1it6qmamgh4i8

"Maxaa diidaya inaan noqdo jilaa? Ma ahan goolkeyga waqti xaadirkaan, laakiin waxaan heystaa casuumaadyo.

"Albaabaha haka xiranin sababtoo ah waa shaqo aan jeclahay.”

Ronaldo oo 31 sanno jir ah ayaa dhaliyay 34 gool 32 kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan waxaana uu diiday inuu xadidaad u yeelo ilaa iyo inta uu sii ciyaari doono.

"Waxaan dareemayaa inaan fiicanahay, waxaan dareemayaa inaan da’ yarahay, sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan sii wado ciyaarista kubada cagta.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Ka ciyaaryahan ahaan ma qorto goolal aan tiigsanayo, kaliya jirkeyga iyo maskaxdeyda ayaa ii sheegi doona waqtiga aan fariisan doono. Waxaan doonayaa inaan ku riyaaqo oo aan wax badan koox ahaan iyo shaqsi ahaan ku guuleysto.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip