Rafa Benitez Oo Magacaabay Labo Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Dhaawici Kara Barcelona Laakiin Mesut Ozil Kuma Jiro.

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:19:49 in Sports News by
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rafa Benitez Oo Magacaabay Labo Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Dhaawici Kara Barcelona Laakiin Mesut Ozil Kuma Jiro.

    Rafael Benitez ayaa ka warqaba sida ay u adag yihiin kooxda Barcelona. Mid ka mid ah sababihii uu u waayay shaqadiisa Real Madrid bishii Janaayo, kaliya todobo bilood markii uu bedelay Carlo Ancelotti ayaa aheyd guuldaradii ceebta aheyd ee 4-0 ee ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rafael Benitez ayaa ka warqaba sida ay u adag yihiin kooxda Barcelona. Mid ka mid ah sababihii uu u waayay shaqadiisa Real Madrid bishii Janaayo, kaliya todobo bilood markii uu bedelay Carlo Ancelotti ayaa aheyd guuldaradii ceebta aheyd ee 4-0 ee ka soo gaartay kooxda Luis Enrique ee ciyaartii ka dhacday Bernabeu.

Luis Suarez, Andres Iniesta iyo Neymar ayaa kala dhantaalay Los Blancos , ciyaartana waxa ay aheyd mid lagu kala baxay markii uu Lionel Messi bedel ku soo galayay daqiiqadii 57aad isagoo markaas ka soo laabtay dhaawac labo bilood uu ku maqnaa.

Laakiin Benitez ayaa dareensan in kooxda Ingariiska ay heysato labo ciyaaryahan oo dhibaatooyin ku abuuri kara kooxda reer Catalans.

960

"Shaki kuma jiro in kooxda Barcelona ay si fiican u ciyaareyso, waxaana ay ku ciyaarayaan kalsooni badan” ayuu yiri tababaraha reer Spain yiri sida ay qortay The Mirror. "Laakiin Arsenal waxa ay heshay war aad u fiican isbuucyadii ugu danbeysay. Alexis Sanchez ayaa si joogta ah u ciyaaraya, iyadoo Danny Welbeck uu u soo laabtay laabtay isagoo caawin kara ciyaartooda.

"Haddii ay kubada u geyn karaan labadaan ciyaaryahan afka hore markaas waxa ay noqon doonaan kuwa halis ah.”

Benitez ayaa sidoo kale kula taliyay Arsenal sida ay ku garaaci karaan Barcelona laakiin waa talo aas-aasi ah.

"Furaha waxa uu yahay inaysan awoodi karin inay qaladaad daafac sameeyaan” ayuu hadalkiisa raaciyay. "Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez waa ay ku ciqaabi doonaan. Taasi shaki kuma jiro.

"Si kastaba, aniga ahaan waxaa xiiso ii leh inaan arko haddii ay Arsenal ku ciyaari doonto difaac saf ah oo isla weerartama islana difaacda kubada.

"Waa wado u furan. Tan kale waa inay difaac galaan islamarkaana ay kubado rogaal-celis ah raadiyaan. Waan arki doonaa mida uu Arsene Wenger doorto.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip