Waa Kooxdee Kooxda British-ka Ah Ee Uu Lionel Messi Rikoor Gooldhalin Fiican Uu Ka Heysto, Kuwee Ayuusan Weli Shabaqa Ka Soo Taabanin?

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:18:20 in Sports News by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kooxdee Kooxda British-ka Ah Ee Uu Lionel Messi Rikoor Gooldhalin Fiican Uu Ka Heysto, Kuwee Ayuusan Weli Shabaqa Ka Soo Taabanin?

    Lionel Messi ayaa rikoor gooldhalin fiican ka heysta Arsenal marka loo eego kooxaha kale ee Britain. Weeraryahanka Barcelona ayaa lix gool ka dhaliyay Gunners afar kulan oo uu ka horyimid, sida lagu sheegay istaatistiko lagu daabacay worldfootball.n

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa rikoor gooldhalin fiican ka heysta Arsenal marka loo eego kooxaha kale ee Britain. Weeraryahanka Barcelona ayaa lix gool ka dhaliyay Gunners afar kulan oo uu ka horyimid, sida lagu sheegay istaatistiko lagu daabacay worldfootball.net.

Waxa ay taasi la micno tahay inuu celcelis ahaan kulankiiba Arsenal ka dhaliyay 1.5 gool, waana in ka badan inta uu ka dhaliyay koox kale oo British ah.

Messi ayaa kaliya labo kulan goolal ka dhaliyay Arsenal, iyadoo labada kulanba uu ugaga dhaliyay garoonka kooxdiisa ee Camp Nou.

Waxa uu ka dhaliyay afar gool markii ay labada kooxood ku kulmeen wareega 8da Champions League bishii APril 2010 iyo labo gool uu ka dhaliyay markii ay labada kooxood ku kulmeen wareega 16ka bishii March 2011. Barcelona ayaa kulamadaas ku kala badisay 4-1 iyo 3-1.

Kooxda xigta ee reer Britain oo uu Messi goolal ka dhaliyay waa kooxda reer Scotland ee Celtic.

Barcelona-v-Valencia

Xiddiga reer Argentina ayaa seddex gool ka dhaliyay afar kulan uu ka horyimid kooxda Glasgow ka dhisan, celcelis ahaana waa 0.8 kulankiiba.

Messi ayaa celcelis ahaan 0.5 kulankiiba gool ka dhaliyay kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Rangers.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaanse weli labo kooxood oo British ah goolal ka dhalinin, waana Chelsea iyo Liverpool.

Chelsea waxa ay shabaqa ka ilaashatay Messi mid kasta oo ka mid ah sideedii kulan ee uu ka horyimid, waxaana ay la ciyaareen labo jibaarka inta ay la ciyaartay koox kale oo British ah. Kooxda ku soo dhow waa Rubin Kazan ee dalka Ruushka kuwaasoo uusan Messi shabaqa ka soo taabanin inkastoo uu afar kulan la ciyaaray.

In Chelsea ay shabaqa ka ilaashato Messi waxaa ugu wacnaa inta badan goolhaye Petr Cech oo goolhaye ka ahaa kooxda lix ka mid ah sideedii jeer ee uu Messi ku guuldareystay inuu gool ka dhaliyo Blues.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip