Usain Bolt Oo Ku Qoslay Sheegashada Ah In Daafaca Arsenal Hector Bellerin Uu Ku Garaaci Karo Tartan Orod Ah.

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:16:37 in Sports News by
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Usain Bolt Oo Ku Qoslay Sheegashada Ah In Daafaca Arsenal Hector Bellerin Uu Ku Garaaci Karo Tartan Orod Ah.

    Usain Boltayaa ku qoslay sheegashada aheyd in daafaca kooxda Arsenal Hector Bellerin inuu ku garaaci karo tartan orod ah. Warbixin ay qortay BBC sannadkii hore ayaa sheegeysay in Bellerin uu ka orod badan yahay ninka lixda jeer bilada dahabka ku guu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Usain Boltayaa ku qoslay sheegashada aheyd in daafaca kooxda Arsenal Hector Bellerin inuu ku garaaci karo tartan orod ah. Warbixin ay qortay BBC sannadkii hore ayaa sheegeysay in Bellerin uu ka orod badan yahay ninka lixda jeer bilada dahabka ku guuleystay ciyaaraha Olimbikada 40ka mitir ee ugu horeeya.

Waxaa la sheegay in marka uu Bellerin xawaaraha ugu sareeya ku ordayo inuu 40 mitir ku ordi karo 4.41 ilbirisi waana waqti ka dhakhso badan intii uu Bolt ku gaaray 40 mitir markii uu dhigayay rikoorkii adduunka ee orodyahanka ugu dheereeya caalamka ee 100ka mitir sannadii 2009.

the-people

Markii istaatistikadaan loo sheegay Bellerin bishii November waxa uu qirtay inuusan dooneynin inuu tartan orod ah la galo ninka reer Jamaica.

"Waa orodyahan dheereeya, sida iska cadna waa ninka ugu dheereeya caalamka” ayuu yiri daafaca reer Spain.

"Waxaan arkay dad sheegaya inaan ka orod badanahay isaga, laakiin mar walba waa ay ka duwan tahay marka ay kubada cagtaada ku jirto.

"Waana taas waxa ay shaqadeyda tahay, iskuma dayi doono inaan orod ku garaaco isaga.”

Bolt oo isku diyaarinaya ciyaaraha Olimbikada ee Rio ee xagaagan ayaa warbixinta BBC ka hadlay: "Sheekooyinkaan waxa ay iga keenaan inaan qoslo.”

Isagoo u hadlayay Eurosport waxa uu hadalkiisa raaciyay: "Ciyaartoyda kubada cagta waxa ay orod badan yihiin 10 ilaa 20ka ilbiriqsi ee ugu horeeya, waana taas waxa ay tababar ku sameeyaan. Waxaan tababar ku sameeyaa inaan orod bato in ka badan 100 mitir ama 200 mitir.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip