Maraykanka iyo Ruushka oo isku khilaafsan arrimaha dalka Siiriya (Warbixin)

0
Monday September 28, 2015 - 21:48:14 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka iyo Ruushka oo isku khilaafsan arrimaha dalka Siiriya (Warbixin)

    Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso wadamada Ruushka iyo Iran sidii loo soo afjari lahaa dagaalada sokeeye ee ka dhacaya dalka Siiriya, Hase yeeshee labada dowladood ee waaweyn ayaa isku khilaafsan sida laga yeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso wadamada Ruushka iyo Iran sidii loo soo afjari lahaa dagaalada sokeeye ee ka dhacaya dalka Siiriya, Hase yeeshee labada dowladood ee waaweyn ayaa isku khilaafsan sida laga yeelayo Madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad.


Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo maanta ka hadlayay kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha dalka Siiriya Bashar al-Assad in uu yahay macangag isla markaana ah dambiilaha ugu weyn ee ka mas’uul ah dagaalo sokeeye oo afar sano ka dhacayay dalka Siiriya kuwaasoo ay labo boqol oo kun ruux ku dhinteen malaayiin kalana guryahooda ay ka carareen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa u sheegay kulanka Qaramada Midoobay oo ay hogaamiyasha caalamka uu ugaga socdo magaalada New York inaysan jirin wax kale oo aan ka ahayn in la garab istaago Madaxweyne Assad si loogaga guuleysto ururka IS oo haysta dhul ballaaran oo ku yaal dalka Siiriya iyo wadanka jaarka la ah ee Ciraq.

Khilaafkan ayaa dhaliyay su’aalo ah in Obama iyo Putin ay meel dhexe isugu iman karaan marka ay ku kulmaan habeenimada Isniinta magaalada New York. "United States waxa ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso wadan kasta oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Iran sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka,”ayuu yiri Obama, oo qudbada uu ka jeediyay Golaha Guud ay ka horeysay tan Putin. "Laakiin waa inaan garowsanaa kadib dhiig badan oo daatay iyo xasuuq in aan dib ugu laabano sidii la ahaa dagaalka kahor.”ayuu sii raaciyay Obama.

Obama ayaan si cad u sheegin in Assad la rido balse waxa uu ku taliyay in la maareeyo qaabkii xukunka uu ugaga degi lahaa, taasoo ah cadeyntii ugu dambeysay ee ah iyadoo Maraykanku cadow u arko hogaamiyaha Siiriya in uu diyaar uyahay in uu talada sii hayo muddo kooban.

Madaxweyne Obama ayaa diiday in taageerida kaligii taliye ay tahay xalka kaliya ee IS lagula dagaalami karo waxana uu sheegay in caqliyan aysan ahayn in la taageero Macangag sida Assad oo kale kaasoo bambaanooyin waaweyn ku xasuuqay kuna duqeeyay carruur aan waxba galabsan. Balse Madaxweyne Putin ayaa qaba fikir kale oo uu ka sheegay golaha guud ee Qaramada Midoobay

"Waxaan filayaa inay tahay qalad weyn in la diido in wax lala wadaago xukuumada Siiriya iyo ciidamadeeda kuwaasoo si geesino ay ku jirto si fool ka fool ah ula dagaalamaya argagaxisada,”. "Waa inaan ugu dambeyntii qirno in cid aan ka ahayn ciidamada Madaxweyne Assad iyo maleeshiyada Kurdishka ay yihiin kuwa sida dhabta ah ula dagaalamaya Ururka IS iyo ururada kale ee argagaxisada dalka Siiriya,” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa labadaba diiday suurtogalnimada in uu xukunka sii haysto Madaxweyne Assad. Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo qudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu ku eedeeyay Maraykanka argagaxisanimo gaar ahaan weerarkii Ciraq iyo Afghanistan iyo weliba taageerida Maraykanku uu taageero Israel.

Hassan Rouhani Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u thay inay gacan ka geysato sidii dimuqraadiyada dib ugu soo laaban lahayd wadamada Siiriya iyo Yemen ee ay dagaaladu ka holcayaan.

Xigasho:Reuters

Waxaa tarjumay Maxamed Caseyr




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip