Ammaanka Magaalada Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Wufuud Kala Duwan Oo Ku Wajahan

0
Thursday December 19, 2019 - 10:31:19 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Magaalada Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Wufuud Kala Duwan Oo Ku Wajahan

    Ammaanka Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Wafood kala duwan ayaa garay magaalada Bay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Wafood kala duwan ayaa garay magaalada Baydhabo saacadihii lasoo dhaafay kuwaas oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka fedraalka Somalia oo doonaya inay ka qeyb galaan sanadguurada1-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Koonfur galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen. Dhinaca kalana waxaa lagu soo waramayaa in magaalada Baydhabo iyana ay ku wajahanyihiin masuuliyiin ka kala socda maamul-gobaleedyada alka ka jira oo iyaguna ka qeybgelaya munaasabadda 1-aad eek a soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Koonfur-galbeed.Masuuliyiinta gaartay magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey oo si weyn gelinkii dambe ee shalay loogu soo dhaweeyay halkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip