Boqolaal Ruux Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyey Dhuusamareeb

0
Monday December 16, 2019 - 21:02:40 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Ruux Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyey Dhuusamareeb

    Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Howlgalkan ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Howlgalkan ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadda lagu magacaabo Dayax ee ku taalla halkaas, waxaana lagu soo qabtay ku dhawaad 300 oo ruux oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro. Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay lagu sameeyn doono baaritaano kala duwan, kadib markii looga shakiyay falal amni daro xili shalay ciidanka amniga qabteen wax yaabaha qarxa oo lagu qariyay gudaha Magaalada.Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka ay goob barxad ah isugu geeyeen dadkii lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana qaarkood sii daayay, halka kuwo kalena ay horey u wateen. Ujeedka howlgalka laga sameeyay Magaalada Duusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo dhawaan halkaas lagu wado inay ka dhacdo Doorshada Madaxtinimada Galmudug iyo mid Guddoonka Baarlamaanka maamulkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip